WararkaWaxbarashada

Iran oo Iskuulaadka Dalkeeda Ka Mamnuucday Barashada Luqdda English-ka

Amar kasoo baxay wadaad diimeedka ugu sarreeya dalka Iran ee Cali Khumeynei  ayaa gabi ahaanba lagu joojiyay in Luqadda English-ka laga dhigto iskuulaadka hoose ee dalkaasi.

Sida uu qoray mareegga alarabiya.net, madaxa sare ee golaha waxbarashada Iran Mahdi Nawid oo wareysi tv ah lala yeeshay ayaa sheegay in barashada Luqadda English-ka ee iskuulaadka hoose ay tahay mid qaanuunka hareer marsan.

Waxa uuna intaa sii raaciyay: “Barashada Luqadda English-ka waa mamnuuc marxaladda dugsiga hoose oo ardayga la rabo in dhaqankiisa lagu ababiyo.”, waxa uu sheegay in Ingiriisku yahay kan luqadiisa buunbuuniyay ee ku tilmaamay iney tahay luqadda Cilimiga, laakiin ay tahay luqadda jahliga, waana sida uu hadalka u dhagay Mahdi.

Si kastaba, dalka Iran ayaa dugsiyada dhexe lagu dhigtaa Labo saacadood oo xisado Luqadda English-ka lagu baranayo ah Isbuucii, taas oo aan gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close