arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Makhaayadaha u Gaarka ah Cunnooyinka Dalka oo Kusoo Badanaya Magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa kusoo badanaya makhaayadaha laga cuno raashinka dabiiciga ah ee dalagga beeraha dalkeena oo dadku ay si aad ah u isticmaalaan xilli dhaxameedka oo dadka raashin kale aanuu waxba u galayn.

Dhaxanta magaalada Hargeysa ka jirta sanadkan ayaa lagu tilmaamay iney baryahan dadka soo marin mid la midan.

Hadaba, wariyaha Goobjoog(oo bahwadaag ay yihiin Maandeeq FM) ee magaalada Hargeysa Khaalid Foodhaadhi ayaa waxbixin ka sameeyay makhaayadaha cunnooyinka dabiiciga ah lagu sameeyo ee magaalada ku soo kordhaya oo booqday mid ka mid ah makhaayadaha ayaa warbixintan kasoo diray.

Waa mid ka mida maqaaxiyahay sida weyn looga cuno cuntooyinka wadaniga ah waana dalagyada ka soo go’a wadanka ee magaalada Hargeysa.

Waxaana inta badan maalintii halkaan yimaada dad tiro badan oo ka soo doonta cuntooyinka wadaniga ah ee halkaani lagu iibiyo xilliyada qadada iyo cashada ayaa ugu mashquul badan maqaayadaha lagu iibiyo cuntooyinka wadaniga ah.

Arrintani ayaa waxay dhiirogelin u noqon kartaa wax soosaarka dalka gaar ahaan dalagyada kasoo baxa dhulka, iyada oo beeraleyda Somaliland ay inta badan ay cabasho ka muujiyaan cuntooyinka ka yimaada dalka dibaddiisa gaar ahaan mucaawinooyinka hay’adaha.

Dadka halkaani ka cunteeya waxay aaminsanyihiin in cuntadani ay ka nafaqo iyo faa’ido badantahay cuntooyinka kale ee aan wadaniga aheyn.

“Markii hore waxaan cuni jiray cuntooyinka dibadda nooga yimaada sida Bariiska,Baastada iyo waxyaabaha la keeno xanuuno kama aano bixi jirin,iminka waxaan ogaaday caafimaad ahaan in ay ii wanaagsantahay raashinkaani dalkeena ka baxa oo ay ka midka yihiin digirta, Garowga, Jowrada”, waxaa sidaa yiri mid ka mid ah dadkii makhaayadda ka cunteynayay.

Qof kale oo cuna cuntooyinka wadaniga ah waxaa uu yiri “ Cuntada wadaniga ah iyo cuntada dibadda laga keeno waxaa u dhaxeeya farqi weyn cuntada wadaniga ah haddii bulshadeyna ay u soo jeesato waxaa laga helayaa Fatamiino Kaalshiyom wax walba ayaa laga helayaa waxaa dibadda laga keeno faa’ido malahan xanuuno ayaa laga qaadaa oo maanta bulshadii ku dhacaya”.

Mustafe Maxamuud Boobe, waa maamulaha maqaaxi lagu iibiyo cuntooyinka wadaniga ah, waxaa uu u sheegay in aad looga iibsado cuntooyinka wadaniga ah marka la barbar dhigo waqtiyadii hore oo aan dadku aad u cuni jirin.

“Boqolkiiba waxaan oran karaa todobaatan miraha aad ayey u isticmaalaan waqtigaan hadda la joogo siiba dadka waqtigii hore waxay cuni jireen habeenkii ayay cuni jireen miraha balse hadda waqtiyo kale ayaa ku soo biiray sida qadada oo kale dadka waxaad moodaa inay mirihii ay la soo qabsanayaan”.

Si kastba, Arintaani ayaa waxay dhiirogalin u noqoneysaa waxsoosaarka dalagga kala duwan ee wadanka kasoo gu’a.

Maandeeq FM

Related Articles

Close