arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Munshidkii Meshary Alaradah oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

Munshidka caanka ahaa ee qaadi jiray nashaa’idka diiniga ah Meshary Alaradah ayaa shil baabuur maalinimadii shalay ugu geeriyooday gudaha dalka Sucuudiga, iyadoo da’diisu ay tahay 35 jir.

Qaraabada Meshary ayaa saxaafadda u sheegay in maydka la geyn doono dalka Kuwait oo asal ahaan uu kasoo jeeday, iyadoo goorta la duugi doono gadaal laga soo sheegayo.

Daaciga la yiraahdo “Nabil Alawdhy” ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray erayo boroordiiq ah oo uu uga hadlayo Meshary waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Qofkii codkiisa aan ku xasuusan jirnay aakhiro waa uu inaga geeriyooday oo dhanka Rabbi naxariis badan ayuu aaday, waxaan Illaahay waydiisanayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto, waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay.”

Meshary Alaradah ayaa nashiidooyinka bilaabay iyadoo da’diisu ay aad u yartahay, markii ugu horreysay ee masraxa kasoo dhex muuqdo ayaa ahayd sanadkii 1995, albamkiisii ugu horreeyay ayuuna soo saaray sanadkii 1999.

Mudadaa wixii ka dambeeyay waxa uu noqday mid si weyn u soo shaacbaxa, waxaana aad u hirgashay nashiidadiisa caanka noqotay ee la yiraahdo “Furshii al-Turaab(Furaashkaygu waa ciidda)” oo si weyn u guuleysatay dadkuna ay aad uga falceliyeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close