WararkaWaxbarashada

Dhalinyarada Chinese-ka ah oo Bidaari u Gashay Si Aan Horey Loo Arag

Daraasad la faafiyay Isniintii ayaa daaha ka rogtay in dadka Chinese-ka ah ay tintu ka bidayso xilli hore oo da’dooda ah si ka badan xilli kasta oo hore.

Sida lagu daabacay jariidada “South China Morning Post“, Daraasaddan oo ay sameysay jaamacadda Tsinghua ee Beijing oo ay ka qeybgaleen 4 kun oo arday jaamacadeed ah ayaa lagu ogaaday in 60% dadkii daraasaddu ay saameysay ay bidaari gashay.

40% dadkaas ay daraasaddu saameysay ayaa dareemay in timadoodu ay arkeen iney bidaari ku soo socoto, halka 25% ay tilmaameen in bidaari ku soo socoto ay ka ogaadeen qaraabadooda iyo asxaabtooda.

Dr Fu Lanqin oo ah dhakhtar ka tirsan Peking Union Medical College Hospita ee gudaha Beijing ayaa sheegtay, inuu jiro koror isasoo taraya sanooyinkii lasoo dhaafay oo ay arkeen dhalinyaro tiro badan oo raadineysa daawooyin ay bidaarta kula dagaalanto.

Dhakhtaradda ayaa hadalkeeda sii raacisay “in dadka bidaarta la dhibaatoonayaa ay timahoodu daataan marka ay da’doodu gaarto 21  ama 22 jir, kadib waxay bidaartu bannaanka iskeenaysaa marka ay gaaraan 24 illaa 25 jirka, jiilkan cusub ayaa timahooda waaya si ka degdeg badan jiilashii ka horreeyay.”

Website-ka “Taobao” ee suuqgynta electronic-ga ah ayaa sheegay in waxsoosaarka lagula dagaallamo bidaarta uu ka mid noqday 40 badeeco ee loogu iibsiga badnaa sanadkii 2017, inta badan dadka iibasanayayna ay ahaayeen dhalinyaro da’doodu ka yar tahay 30 jir.

Dhakhaatiirta ayaa filaya in kororka dadka la dhibaatoonaya bidaarta ay sabab u tahay isbedelka ku yimid bulshada oo ay ugu horreyso daalka tirada badan ee shaqada lagala kulmo, waxbarashada, dhafarka iyo nolosha oo aan u habaysneyn sidii loo baahnaa, ay yihiin waxyaabaha is biirsaday ee 60% ay bidaartu ku gashay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close