WararkaWaxbarashada

Haweenay 4 cisho Gudahood Ku Faa’idday 2 Billion oo Doolar

Hawenay gacansato ah oo u dhalay dalka Shiinaha lana yiraahdo “Yang Huiyan“, ayaa diiwaangashatay faa’ido gaareysa 2 billion oo dollar muddo 4 maalmood ah gudahood.

Haweynaydan Chinese-ka ah ayaa waxay ku xigeen ka tahay shirkadda Country Garden oo ah shirkad Holding Company ah, waxay maamulaan shirkadda dhismaha ka shaqeysa ee ugu wax iibinta badan gudaha dalka Shiinaha, haweenaydan ayaa qeyb ku leh saamiyada shirkadda.

Qiimaha suuqa ee saamiga shirkadda ay wax ka maamusho ayaa suuqa ka gaaray illaa 25.6 billion oo dolar, illaa Afartii January sanadkan bilowga ah.

Yang ayaa faa’idooyinka ay kaligeed heshay muddo 4 maalmood gudahood ah uu gaaray illaa 2.1 billon oo dolar. waana haweenayda Shanaad ee ka mid nqota billionaires ugu taajirsan dalka Shiinaha, sida uu sheegayo tilmaaha dadka ugu taajirsan Shiinaha ee Bloomberg.

Si kataba, Yang ayaa loo aqoonsan yahay iney tahay haweenayda ugu taajirsan dalka Shiinaha uguna da’yar maalqabaneennada dalkaasi, iyadoo da’deedu tahay 36 jir.

Maandeeq FM

Related Articles

Close