WararkaWaxbarashada

Kulan Lagaga Hadlay “Tayada Tacliinta Sare” oo Maanta Ka Qabsoomay Magaalada Muqdisho

Kulan lagaga hadlayay tayaynta waxbarashada jaamacadaha dalka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamulayaasha jaamacadaha kala duwan ee gobolka Benaadir aqoonyahanno iyo macallimiin loogu yeeray kulanka.

Kulanka oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada ayaa waxay soo bandhigeen howlaha hortabinta u leh wasaaradda iyo qiimaha ay jaamacaduhu u leeyihiin waxbarashada dalka oo aan marnaba looga maarmin.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa jaamacadaha dalka u sheegay in laga rabo iney tayada waxbarasho sare u qaadaan, waxwalba oo ay u baahdaanna ay la garab taagan yihiin:

“Annaga wasaaradda waxbarshada wey naga go’an tahay in aan soo celinno dalkaan waxbarshadiisa wey jiraan caqabado yaryar, balse markaan jaamacaadka waxaa laga rabaa in ay sare u qadaan tayeynta tacliinta dalka anaga diyaar ayaan ula nahay wax walbo.”, waana sida aan kasoo xigannay warbaahinta dowaladda.

Si kastaba, wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku celcelisay iney dhaliilayaan  tayada waxbarashada sare ee dalka oo jaamacadaha qaar ayna gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa, iyadoo aan la ogeyn xilliga ay qaadayaan tallaabooyin ficil ah oo tayada waxbarashada lagu xaqiijinayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close