WararkaWaxbarashada

Maxaa Sanku u Dararaa Xilliyada Qabowga Xoogani uu Jiro?

Weligaa ma is weydiisay sababta uu sankaagu u dareero marka cimilladu qobow tahay? Waa arrin caan ah, waxaana isku arka 50-90% dadyowga adduunka.

Professor ka tirsan jaamacadda Queensland oo la yiraahdo David King oo la hadlay “The Conversation” ayaa sharraxaad ka bixiyay dareeraha sanka ka socda xilliyada qabowga waxa uu yahay, kaas oo loo yaqaanno “caabuqa sanka ee ka dhasha qabowga”.

David ayaa sheegay in markay cimiladu qabow tahay ay saameyn ku yeelanayso sanka oo hawada jirka gudihiisa uu u gudbiyaa la rabo iney noqoto mid diiran oo qoyan, si aaney hawadaasi u sababin dhibaato markay unugyada gudaha ee jirka ay gaarto.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Markaan hawada ka qaadanno sanka, jawiguna uu aad u qabow yahay, caadi ahaan qeybta gudaha ee sanka heer kulkiisu waa 260 C, waxaana suurtogal ah inuu gaaro illaa 300 C, halka qoyaanka hawada ee gudaha sanka ay tahay 100%, cimiladu sida ay doontaba ha noqotee. Arrintaasina waxay ku tusinaysaa inuu sanku yahay mid waxqabad badan sameeya si uu u hubiyo hawada sambabka u gudbaysaa iney noqoto mid qoyan oo diiran.

Waxaa xusid mudan, in hawada qabow ee qalalan ay kiciso dareemayasha gudaha ee sanka oo farriin u dira maskaxda oo iyadu dhankeeda uga soo jawaabta in dhiig farabadan gudah sanka uu ku soo burqado, xididada dhiigga oo fidsama ayaana hawadu diirimaadka ka heshaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close