DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Macallimiintii Ugu Wanaagsanayd ee Dunida Wax Ka Bedeshay (1)

Macallinka wanaagsani waxa uu kaalin wax ku ool ah oo wanaagsan ku leeyahay bulshada, waxa uu ogyahay inuu yahay mustaqbalka dowlad kasta ay leedahay, kobcinta mustaqbalkuna gacantiisa ku jiro. Waxaan shaki ku jirin in macallinka wanaagsani uu ardayda noloshooda jihaynayo oo uu wax ka bedelo; macnana ka sameeya nolosha ardayga.

Qormadana waxaa ku eegaynaa macallimiinta ugu wanaagsanaa adduunka ee ku guuleystay abaalmarino caalami ah oo lagu abaalmarinayo dadalladooda dhanka waxbarashada.

1 .Jaime Escalante

Waa macallin u dhashay dalka Bolivia, waana mid ka mid ah macallimiintii ugu wanaagsaneyd Mareykanka Sideetamaadka iyo Sagaashamaadka qarnigii tagay, waxa uu xisaabta bari jiray ardayday iskuulaadka Los Angeles ee gudaha dalka Mareykanka, waxa uu ku caanbaxay habkiisa wax dhigista oo si weyn u soo jiitay arday farabadan, waxaanuu arday badan ku haggaamiyay iney asaagood kaga sare maraan Xisaabta.

Sanadkii 1988 ayuu helay billada madaxweynaha oo lagu sharfay kaalinta uu ka qaatay wax barashada ee madaxweynihii Ronald Reagan. Sanadkii 1999 ayaa lagu daray liiska macallimiinta sida gaarka ah u sharfan ee National Teachers Hall. Sanadkii 2005 waxa uu ku guuleystay macallinka sanadka ee Waqooyiga America, waxaanuu shahaado sharaf ka helay jaamacado caan ah oo daafaha kala duwan ee adduunka u yaalla.

Qadarin dadaalkiisa lagu muujinayo ayaa sanadkii 1988 lasoo saaray filim laga matalay noloshiisa iyo sida uu saameyn ugu yeeshay arday farabadan oo ka hoos najaxay.

2 .Maria Montessori

Qarniyadii lasoo dhaafay ayaa aadanuhu isticmaalayay manaahij kala duwan oo waxbarasho, Maria ayaa sida dadbadani isku raacsan yihiin ka tirsan haweenkii macallimiinta ahaa ee ugu hal abuurka iyo saameynta badnaa qarnigii 20aad, magaceeda waxaa ku furan iskuulaad farabadan oo illaa hadda lagu xasuusto taariikhdeeda manhajkii ay dajisayna laga dhigtaa.

Waxay ku dhalatay dalka Talyaaniga sanadki 1870 bilowgeedii hore ee noloshaba waxay noqotay mid asaageed ka dhex muuqata, waxbarashada ku sarreysay waxayna ka mid noqotay dhakhaatiirtii ugu horreeysay ee qarnigeeda, sanadkii 1907, waxay aasaastay markas caruurta lagu xanaaneeyo gudaha magaalada Roma kaas oo ka dhigay aragtiyadeeda waxbarashdo mid hirgasha.

Waxay aaminsanayd in ardaydu caada ahaan ay iyagu wax isbari karaan, laakiin macallinka looga baahan yahay oo qura inuu tuso wadadii ay cilmiga u mari lahaayeen, manhajkii ay dejisay ayaa hirgalay oo guuleystay adduunkana ku faafay. Abaalmarina Nobel Peace Prize ayay saddex jeer ay ka mid noqotay dadka u sharraxan abaalmarintaa laakiin marna kumay guuleysan.

3 .Hanan Al Hroub

Waxay u dhalatay dalka la haysto ee Falastiin, sanadkii 2016 ayay ku guulaysatay abaalmarinta macallinka adduunka ugu wanaagsan, waxay ka tirsan tahay mu’asasada Verkey Foundation ee horumarinta waxbarashada.

Habka ay Hanan waxbarashada kusoo kordhisay ayaa aad u yareeyay gaboodfallada iskuulaadka dhexdooda ka jira ee ardaydu ay iskugula kacaan iyo kuwa loo geysto intaba.

Waxay kaalin muhiim ah ka ciyaartay waxbarashada caruurta Gaza.

4 .Salima Begum

Salima waxay u dhalatay dalka Pakistan, waxayna aamisan tahay in ardayga lagu dhiso noloshooda macluumaadka ay macallinka ka helayaan, waxayna wacyigelin ka sameeyay waxbarashada gabadha oo dalkaa aad ugu yareyd.

Waxay hormuud u noqotay barnaamij lagu guuleystay oo la magac baxay hagaajinta waxbarashada, waxay tabarro kala duwan u fidisay 7000 macallin oo gobolka ay kasoo jeedda ah iyo 8000 oo macallin oo uga kala yimid daafaha kala duwan ee Pakistan.

Salima waxay ka mid noqotay murashixiintii 10 ahaa ee iskugu soo haray kama dambeysta tartankii macallinka adduunka ee 2017.

5 .Salman Khan (Khan Academy)

Salman Khan waa gacansade Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan, waxa uu ku caan baxay aasaaskii uu aasaasay website-ka waxbarashada sida bilaashka ah wax looga barto ee Khan Academy.

Website-kan ayaa ardaydu ka helaan waxbarasho bilaasha ah meel kasta oo ay aduunka ka joogaan, bilowgii hore ardayda oo qora ayaa wax ka baranaysay kadibna, laakii waxa uu ku soo daray macallimiinta dhameystirka u baahan ee Sayniska iyo Xisaabta iyadoo ardayda waxbarashada dhameysata la siiyo shahaadooyin la aqoonsan yahay.

Academy-ddan ayaa soo jiidatay indha saxaafadda, iyadoo Bill Gates uu sheegay in barnaamijyada ay akaademiyadani bixiso qaarkood ay caruurtiisa duruus ahaan u qaataan, mar uu ammaan u soo jeedinayay Khan Academy.

Salman Khan ayaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay 100 qof ee adduunka ugu saameynta badan, dadka qaar waxay ugu yeeraan inuu yahay nin doonaya inuu adduunka oo dhani ay waxbartaan.

Sources: Global Teacher Prize – Biography

Maandeeq FM

Related Articles

Close