WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Farmaajo: Rajada Ugu Weyn ee aan Qabo Waa Dhalinta Waxbaratay Iney Dalkooda Wax u Qabtaan

Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanlinimadii shalay Jan,09, 2018 hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika kula kulmay boqolaal arday ah oo wax kabarta Jamaacadaha kala duwan ee gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland .

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno ka tirsan madaxda labada gole ee Puntland iyo Federaalka, saraakiil, Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka.

“Rajada aan qabo waxa ay tahay ardayda waxbaratay oo aan aaminsanahay in ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalkooda, kuna horumarin karaan. Maxaa yeelay dhallinyaradeenna waxa ay ka yihiin bulshada in ka badan 70%, taasina waa rajo aad u weyn.”

Madaxweynaha oo si guud uga hadlay arrimaha ay xoogga saarayaan mudo xileedkiisa ayaa xusay iney cadaaladda ka shaqeyn doonaan qofka shaqa doonka ahina uu imtixaan cadaalad ah wax ku heli doono, bedelkii uu magaca awawgii iyo qabiil uu wax ku raadin lahaa:

“In xafiiskaygu ka bilowdo oo xafiis aan la oran xafiiskan waxaa iska leh reer hebal, oo la yiraahdo xafiiskan waa mid Soomaaliyeed, oo idinkana iimaanka aad qabtaan oo dadaalkiinna iyo kartidiinna aad ku tagtaan meesha aad rabtaan, cadaaladdiina ay timaaddo meesha oo ay daan waxba ku waayin nin kale oo xun iyo adigoo wanaagsan, macneheedu waxya tahay in imtixaan la galo oo qof walbaa intii maskaxdiisa shiilo uu wax ku helo oo aan awoowgii magaciisa aanuu waxba ku raadin.”

Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo ayaa 7 bishan socdaal ku gaaray dowlad gooleedka Puntland oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close