TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Shirkadda Facebook oo Adeeggan Ka joojisay “Messinger-ka”

Barta bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa ku dhawaaqday iney joojinayso adeegga “M” ee uu lahaa Massinger-ka kaas oo dadbadani ay ka heli jireen talooyin badan oo dhanka nolosha xageeda ku saabsan.

Sida uu qoray website-ka Verge, shirkadda Facebook ayaa go’aansatay iney joojiso adeegga “M” January 19 oo 9 cisho ah oo qura ay inaga xigto, kaas oo ahaa adeeg si gaar ah dadka u garab siiya oo la mid ah adeega Siri ee laga helo mobile-llada iPhone.

Barnaamijkan ayaa markii hore waxaa isticmaalayay 2000 qof oo ku dhaqan gudaha gobolka California ee dalka Mareykanka si tijaabo ah, waxaana la daahfuray 2015, qofka isticmaalaa waxa uu ka heli karay talooyin ku aaddan habka lacagaha biilasha ah loo bixiyo, makhaayadaha ugu wanaagsan iyo qorsheynta xilliyada fasaxa oo talooyin wax ku ool ah qofku uu ka helayay.

Facebook ayaa sheegay in adeegga “M” uu markii horeba ahaa mid tijaabo ah, laakiin hadda laga kaaftoomay. Laakiin faa’iidooyinkii laga dhaxlay sibaabo kale loo adeegsan doono.

Waxaa xusid mudan, in shirkadda Facebook ay horey u joojisay adeegga “Ticker” oo la joojiyay bishii December, 2017. kaas oo qofku kala soconayay dhaqdhaqaayada xisaabta saaxiibadii waxyaabaha ay like saarayaan oo ay ka heleen iyo comment-ga ay sameynayaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close