WararkaWaxbarashada

Dumarku Waa Jinsiga Ugu Awoodda Badan Aadanaha!

Markii ay arrintu  ku saabsan tahay in nolosha iyo jiritaanka qofka ee ku noolaanshiyaha duruufta ugu adag, dumarka ayaa uga awood badan ragga,  waana sida lagu ogaaday daraasad cusub oo laga sameeyay adkaysiga xilliyada abaaraha, cudurrada iyo addoonsiga ay jiraan.

Waxaa horey loo ogaa in dumarku ay ka cimri badan yihiin ragga dhammaan daafaha kala duwan ee dunida, laakiin cilmibaarayaashu waxay isku dayeen iney sugaan aragtidani tahay mid sax ah marka heerka dhimashadu uu ka sarreeyo heerka caadiga ah ee ay dhibaatooyinku jiraan, iyadoo la is barbardhigayo heerka dhimashada ragga iyo dumarka iyadoo si gaar ah loo eegayo adkaysiga xilliga ay xaaladaha adagi jiraan.

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Koonfurta Denmark ayaa dib u baaray dhacdooyinka taariikhiga ahaa ee ugu dhibaatada badnaa xilliyadii celceliska da’da noolaashiyaha qofka aadanaha uu gaaray heerkiisii ugu hooosaysay ee 20 sano oo kaliya qofku noolaanayay cecelis ahaan.

Khubaradan ayaa baaray data-da dadyowgii heerka dhimashadoodu aadka u badnayd, waxayna eegeen heerka dhimashada ragga iyo dumarka abaaruhu ku dhufatay ee gaajada iyo cuduradu isku biirsadeen xilligii is addoonsigu adduunka ka jiray.

Waxay dib u eegeen 7 xilli oo dagaallo, abaar iyo cudurro ay dadka isku biirsadeen, waxaa xilliyadii la eegay ka mid ahaa; abaartii ka dhacday Ocarina sanadkii 1933 taas oo galaafatay nolosha 4 milyan oo ruux iyo abaartii weynayd ee ka dhacday Ireland ee loo yaqaannay abaartii baradhada ee sanadkii 1845.

Waxay dib u eegeen ceceliska cimirga uu qofku ku dhimanayay Trinidad koofurta Caribbean-ka sanadkii 1813,  abaartii ka dhacay Sweden sanadadii 1772 iyo 1773, heerka dad ay ku geeriyoodeen addoomadii laga xoreeyay Mareykanka ee dagay Liberia sanadki 1820 iyo 1843, iyadoo intaa lagu daray xilligii cudurkii dilaaga ahaa uu ka dillaacay Iceland inta u dhaxaysay sandadii 1842 illaa 1882.

Waxayna khubaru si gaar ah u baareen liiska dhalashada iyo geerida cidda nolosha u adkaysan karta ragga iyo dumarka.

Hadaba, Cilmibaarayaal ka tirsan mac’hadka Max Planck ee ku yaalla Odense, jaamacadda koonfurta Denmarka iyo Akaadeemiyadda Wadaniga ah ee Sayniska ayaa si wada jir ah u sheegay in “Duruufta ay ku noolaayeen dadyowgaa data-dooda la falanqeeyay ay ahayd mid aad u argagax badneynd dhibaatadii ay waajaheen darteed, iyadoo dhibaatooyin farabadan ay haysteen oo qofka ay nolosha ku adkayd ayaa hadana dumarku uga wanaagsanaayeen ragga dhanka adkaysiga nolosha.”

Xaaladihii la baaray oo dhan ayaa cilmibaarayaashu arkeen in dumarku ay u suurtagashay iney dhibaatooyinkaa ka badbaadaan muddo ka dheer ragga oo adkaysigoodu uu aad uga yaraa dumarka.

Si kastaba, cilibaarayaasha ayaa sheegay in hormones-ka jinsiga uu dumarka ka dhigo kuwo aad ay u adag tahay in la fahmo biologically ahaan, arrintaas oo ka garab siinaysa iney ka gudbaan khataraha caafimaad oo aad u farabadan,  halka raggu sida badan ay is dhiibaan marka ay xaaladdu ku adkaato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close