arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

10 Kun oo Euro Waa Ganaaxa Sugaya Hooyo Talyaani ah oo Looga Digay Iney Baraha Bulshada Ku Faafiso Sawirrada Wiil ay Dhashay

Waxay u muuqataa hadda wixii ka dambeeya in hooyooyinku ay ka fakari doonaan ka hor inta aaney sawirka caruurtooda ku faafin baraha bulshada kadib markii hooyo ay ku mutaysatay ganaax sawirka wiilkeeda oo ay baraha bulshada ku faafisay awgeed.

Hooyo u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa loo diiday iney baraha bulshada ku faafiso sawirka wiil ay dhashay idinkiisa la’aanteed, waxaana maxkamaddu u sheegay iney bixin doonto ganaax lacageed oo gaaraya 10 kun oo euro, waa haddii ficilkaa ay ka joogsan waydo.

Jariidada Daily Mail ayaa qortay in Wiil dhalinyaro ah oo da’diisu tahay 16 jir uu dacwad ka furtay maxkamad gudaha dalka Talyaaniga, isagoo ka cabanayo habdhaqanka hooyadii ee baraha bulshda, sida; iney sawiradiisa Facebook ku daabacdo iyadoo aan ogeysiin ama aan ogolaanshiyo ka haysan.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku salaysay qodobada sharci ee waafaqsan sharciga daabacaadda Talyaaniga oo sawirku uu ka mid yahay xuquuqda shakhsiga ah oo qodobadiisu ay sheegayaan in hooyadani ay sharciga hareer martay.

Hooyadana oo aan magaceeda la shaacin ayaa ku khasban iney bixiso lacago ganaax ah oo gaarya 10 kun oo euro, waa haddii ay joojin waydo ficilka uu wiilkeedu ka cabanayo muuqaalladii iyo sawirradii ay horey ugu daabacaday aaney waliba barteeda ka saarin.

Si kastaba, arrintani wax lala yaabo maaha marka aad joogto wadamada reer galbeedka oo mudnaanta koowaad ay caruurtu leeyihiin, lagamana yaabo iney saameyn taban ku yeelato dacwaddaasi xiriirka hooyada iyo wiilkeeda maadaama ay aaminsan yihiin in qof kastaaba khusuusiyaadkiisa u gaar ah loo ilaaliyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close