WararkaWaxbarashada

8 Qodob oo Ka Dhigtay Nidaamka Waxbarasho ee Dalka Finland Kan Ugu Wanaagsan Adduunka

Jariidada Independent ee kasoo baxda gudaha dalka Ingrisiika ayaa daabacaday qodobbo ay ku sheegtay ina wadamada waqooyiga Yurub ay ugu hormarsan yihiin waxbarashada gaar ahaan dalka Finland oo la tilmaamo inuu yahay dalka leh nidaamka waxbarasho ee adduunka ugu wanaagsan.

Jariidada ayaa sheegtay iney jiraan 8 qodob oo saldhig u ah waxbarashada Finland oo keenaya iney noqdaan dalka dunida enteeda kala kaga sare mara waxbarashda

1 –Iskaashiga ayaa ka muhiimsan tartanka ardayda ee iskuulkaadka kala duwan, Finland ma laha iskuulaad gaar loo leeyahay waxbarashada dowladda ayaa lacagteeda ku bixisa si siman.

2 –Wax dhigistu(macallin) waxay ka mid tahay xirfadaha ugu muhiimsan ee loogu ixtiraamka badan yahay gudaha dalka Finland.

3 –Go’aanka waxbarasho waxa lagu qaata natiijo cilmibaaris ka soo baxda ee laguma gaaro hab siyaasi ah.

4 –Dowladdu kama baqato tijaabooyinka cusub ee waxbarashada.

5 –Ciyaartu waa arrin muqadas u ah waxbarashada!

6 –Shaqa guriga ardayda la siiyaa waa mid aad u kooban.

7 –Tayada waxbarashada oo aad loo dhawro xilliga hore , waa ita u dhaxaysa 4 jir illaa 6 jir.

8 –Waxbarashada heerka jaamacadda oo bilaash ah.

Si kastaba, sababahaa 8 da ah ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee ka dhigay waxbarashada Finland tan ugu tayada wanaagsan adduunka, waa sida Independent ay qortay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close