CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Iska ilaali.. Shaqada Habeenkii Waxay Kordhisaa Khatarta ah Inuu Kansar Kugu Dhaco

Daraasad lagu daabacay joornaalka Society American for Research oo lagu beegsanay cudurka cancer-ka ayaa lagu ogaaday in shaqada hebeenkii ay kordhiso khatarta cancer-ka naasaha, habdhiska dheefshiidka, haragga ee dumarka.

Daraasaddana ayaa waxay ku tiirsanayd falanqeynta data laga uruuriyay 61 cilmibaaris hore oo ay ka qeybgaleen 114, 628  dad oo uu haleelay cudurka Cancer, Saddex milyan iyo 900 oo kun oo dad laga baaray cudurka oo ku dhaqanaa  Mareykanka, Yurub, Australia iyo Aisa.

Cilmibaarayaasha ayaa si gaar ah isha ugu hayay shaqada habeenkii ee sanadada tirada badan la shaqeeyo oo ay u soo baxday suurtogalnimada iney sii laba jibaaraan khatarta ah inuu qofka ku dhaco Cancer.

Daraasaddan natiijadii kasoo baxday ayaa noqotay 19% dadkii uu cudurku haleelay ee dumarka ahaa ay ahaayeen kuwo muddo fog xilliga habeenkii shaqaynayay.

Cilmibaaris ay ka qeybgaleen si gaar ah dumarka kalkaalisooyin caafimaad ku shaqeeya xilliga habeenkii ayaa lagu ogaaday in khatarta ah inuu ku dhaco Cancer-ka naasaha uu uu gaarsiisan yahay 58%, halka cancer-ka dheefshiidka uu yahay 35%, halka kan haragga ku dhacaa uu ahaa 28%.

Cilmibaaryaasha ayaa hoosta ka xariiqaya in sababta cancer-ka dumarka u nugleynaysaa ay tahay shaqada habeenkii oo ah mid adag, waxayna ku talinayaan in dumarka habeenkii shaqeeya loo sameeyo barnaamij caafimaad oo ka hortag ah iyo in xaaladooda caafimaadna si joogto ah loola socdo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close