arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal: Canugyar oo 3 Bilood Jir ah oo Ku Dhawaaqay Eray Ka Yaabiyay Dadkii Maqlay

Canug yar oo saddex bilood jira ah oo la yiraahdo Jeson Webster ayaa aabihii iyo hooyadii ka yaabiyay kadib markii eray aaney ka filanayn uu ku dhawaaqay.

Canugan yar ee naasnuugga ah ayaa ka yaabiyay aabihii oo la yiraahdo Tom oo 28 jir ah iyo hooyadii oo la yiraahdo Laura oo 26 jir ah, kadib markii uu bartay erayga Soo Dhaweynta ee ‘hello‘, iyadoo da’diisu aaney dhaafsiineyn 3 bilood jir.

Laura oo ah hooyada canugan yar ayaa sheegtay iney si wanaagsan ugu sheekeeyaan ilmahooda yar, markii horena ay doonayeen iney baraan hooyo iyo aabbo laakiin ay arkeen inuu ku dhawaaqayo xarafka(L), taasina ay keentay iney ku dayaan (Hello).

Markii uu aabaha ilmaha yar dhowr jeer ku celceliyay erayga ayaa markii ugu dambeysay ay si lama filaan ah u arkeen in uu eraygii si sax ah ugu dhawaqay, iyadoo aabaha laga arkayo sida ay lama filaanka ugu noqotay markii uu canugan ku dhawaaqay erayga.

Si kastaba, Laura ayaa muuqaalka canuga oo erayga ku dhawaaqay soo dhigtay barteeda Facebook, taas oo keentay iney dadbadan daawadaan oo ay asxaabtoodana lasii wadaagaan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close