WararkaWaxbarashada

 20 Jir U Dhashay Mareykanka oo Ku Guuleystay Lottery Qiimaheedu Yahay $451 Milyan oo Doollar

Wiilkan dhalinyarada ah oo 20 jirka ah lana yiraahdo Shane Missler ayaa ku guuleystay abaalmarinta lottery ugu qiimaha badan dalka Mareykanka.

Wiilkan dhalinyaradah ah ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu noloshiisa ku raaxaysto kadib markii lagu dhawaaqay inuu yahay qofkii kaliya ee ku guuleystay abaalmarinta weyn ee qiimaheedu yahay 451 milyan oo dollar.

Waxa uu doortay inuu qaato $282 milyan oo kasha ah intii uu muddo dheer sugi lahaa $451 oo si tartiib tartiib ah loo siin lahaa, waxaanuu sidaa ku noqday qofkii 6aad ee ku guuleysta abaalmarinta muddo dheer oo lottery-gani uu jiray.

Number-ka abaalmarinta ku guuleystay sanadkan ayaa ahaa 28,30,39, 50, 70 oo lagu daray 10.

Shane Missler  ayaa jariidada Tampa Bay Times u sheegay: “Waxaan go’aansaday inaan qoyskeyga si gaar ah u xanaaneeyo noloshaydana aan ku farxo, wadadana aan u xaaro guulo dhanka maaliyadda ah oo aan dhaxal uga tagi karo mudada dheer ee noloshayda.”

Waxa uu intaa ku daray: “Waxa ugu muhiimsan ee aan nolosha ka bartay wakhtigii koobnaa ayaa ah, in dadka wanaagsan ee naftooda u run sheegaa ay yihiin kuwa nolosha abaalmarinteeda helaya.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close