WararkaWaxbarashada

Aasaasaha Amazon oo $33 milyan Ugu Deeqay Ardayda Muhaajiriinta ah ee Ku nool Dalka Mareykanka

Aasaasaha Amazon Jeff Bezos ayaa ku tabarucay 33 milyan oo dollar sanduuqa minxooyinka gaarka u ah dadka muhaajiriinta ah ee sharcidarrada ku jooga dalka Mareykanak, sanduuqan ayaa lagu magacaabaa “The Dreamers”.

Bezos ayaa lacagaha guddoonsiiyay ururka The Dream.Us ee hadafkoodu yahay in la garab istaago dadka muhaajiriinta ah ee aan lagaha kaalmaatiga ah ka helin khasnadda federaalka ama dowladdu aaney kabin noloshooda.

Ururkan ayaa waxa uu xiriir la leeyahay 74 ururro iyo  jaamacado ah  oo ay ka mid yihiin jaamacadda George Mason iyo jaamcadda Washington, Hunter College, jaamacadda Rutgers, jaamacadda Arizona, New College, jaamacadda California, jaamacadda Santa Cruz.

Sida uu qoray websiteka “Mashable” ee dalka Mareykanka kasoo baxa, deeqda Bezos waa tii ugu ballaarneyd taariikhda ee ururka la gaarsiiyo, mas’uul ka tirsan oo bayaan soo saaray ayaa yiri, “Lacagtani waxay fursad siineysaa 1000 qof oo muhaajiriin sharci darro ku jooga dalka Mareykanka, fursado waxbarasho oo ay jaamacado ku aadi karaan.”

Dadka waxbarashada doonaya ayaa helaya 33 kun oo dollar oo lacago waxbarasho ah mudada 4sano ee jaamacadda, halka $2,850 ay helayaan kuwa hadda waxbarashadooda sii wata ah ee is dabara.

Si kastaba, Bezos ayaan horey loogu aqoon inuu ka qeybqaato howlaha samafalka ah, hadana arrintani wax lala yaabo maaha maadaama October-tii lasoo dhaafay uu noqday ninka ugu taajirsan adduunka hantidiisuna ay ka sare martay Bill Gates oo muddo dheer ku fadhiyay kursiga ninka ugu taajirsan adduunka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close