WacyigelinWararkaWaxbarashada

Sideed Uga Falcelin Lahayd Afxumada Saaxiibkaaga Shaqada?

Si lama filaan ah waxaa dhici karta in saaxiibkaaga shaqada uu kasoo duulo erayo aadan jeclaysan oo ku xanuujiya. Isaguna uu u arki karo inuu yahay hadal ay dadku ku qoslaan oo qura. Haddii xaaladaas oo kale ay ku qabsato maxaa lagaaga baahan yahay inaad samayso? Ma ku khamaari lahayd sumacadaada iyo shaqaadadaada ama mustaqbalkaaga mihnadeed si aad qofkaa u edbiso?

Sida ay khubaradu leeyihiin

Qof inkirsani ma jiro in xaaladaas oo kale ay tahay mid kugu adag, maadaama dareenkaagii la dhibaateeyay. Joan Wlliams oo ah aasaasaha markaska qaanuunka shaqada iyo nolosha ee “Center for Work Life Law” ee kulliyadda Xuquuqda ee Hastings, jaamacadda California ayaa tilmaantay in falcelinta aad xilliyadaa oo kale sameysaa ay tahay mid khatar badani ku hareeraysan tahay, maxaa yeelay labo arrimood ayaa kugu haysata, tan koowaad; in qafka erayga afkiisa kasoo yeeray uu xumaan ula jeeday iyo in kale oo muhiim ay tahay inaad hubsato. tan labaad;  oo ah in falcelintaadu ay saameyn taban ku yeelato sumacadaada shaqo.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa tallaaooyin lagama maarmaan u ah si aad uga falceliso afxumada saaxiibkaa:

1 .Isku miisaan faa’iidada iyo khasaaraha kaasoo waaji kara marka qofkaa kuu gafay aad u jawaabayso.

2 .Adigu xukun hordhac ah ha iska gaarin, haddii ay noqoto inaad u jawaabtana, jawaabtaadu ha noqoto mid aad ugu jawabayso sidii inaanuu xumaan ula jeedin erayada afkiisa kasoo baxay.

3 .Falcelintaada fasir, sida inaad tiraahdo oo kale, waan ogahay inaadan ulajeedin inaad dareenkayga dhaawacdo, laakiin erayadaadu way i dhibaateeyeen.

4 .Waydii ula jeedadiisa, si waxwalba ay kuugu kala cadaadaan.

5 .Qof mas’uula ah la wadaag xaaladda, gaar ahaan marka aad aragto in xumaantii ay soo noqnoqnayso oo aan dhibaatadii lagaa joojineyn.

6 .Haddii aad mas’uul tahay ogow in dusha ay kaa saran tahay mas’uuliyadda ah inaad hor istaagto in qof kale lagu aflagaadeedyo ama sharaftiisa meel looga dhaco.

7 .Qof aad dareemayso inuu si gaar ah kuu beegsanayo si toos ah u abaar oo xafiiska ugu tag waydiina sababta uu ficilkaa aadan jaclaysan u sameynayo.

Marnaba haka aamusin marka ficillo iyo erayo aadan jacaylaysan qof kale aad kala kulanto, laakiin si xikmad leh u dhaqan, heerka uu joogona naftaada ha u dhaadhicin ee iskala waynaw, si aanuu hadhow u caadeysan inuu ficilkaa ku soo celceliyo.

Si kastaba, talooyinkan muhiimka ah ee taxadarka badani ka muuqdo waxaa looga golleeyahay inaad barato xakamynta naftaada iyo inaadan cadaawad naftaada u abuurin buuq iyo dhibaatadana aadan ka sameyn goobta shaqada oo la doonayo iney noqoto goob is jacayl iyo howl wadareed wanaagsani ka jiro, si faa’iidada ugu badan loo xaqiijiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close