WararkaWaxbarashada

1200 Arday oo Ka Tirsan Kulliyadda Caafimaadka ee Jamacadda al-Mansoura oo Imtixaankii Qalliinka ka Keenay “eber”!

Ardayda kulliyadda Caafimaadka ee  Jaamacadda al-Mansoura ee dalka Masar ayaa loo qoray Ebar imtixaankii maadada Qalliinka ee ay galeen.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay jaamacaddu guddi u xilsaartay soo baarta sababta ay ardaydu ku diideen iney ka jawaabaan su’aalaha imtixaanka maadada oo ay tilmaameen iney aad u adkaayeen, iyadoo ay ardaydu ka baxeen gabi ahaanba imtixaanka September-tii lasoo dhaafay oo ay cabasho ka hordhigeen kulliyadda iyagoo dalbanayay in imtixaanka dib loogu celiyo.

Sida ay qortay alarabia.net, guddi ay arrintaa u saartay jaamacadda si loo eego cabashada ardayda, ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in su’aalaha ay u gudbiyeen saddex jaamacadood oo kale si loo baaro loona qiimeeyo imtixaanka, waxaana baaritaankii kusoo dhamaaday in imtixaanku ahaa mid si kasta u waafaqsanaa heerka tayada iyo inaaney xaaladdu ahayn sida ay ardaydu ka sheeganayeen, iyadoo ardayda lagu soo eedeeyay iney marmarsiiyo u doonayeen si ay imtixaanka uga baxaan.

Guddiga ayaa go’aankii ay soo saareen uu noqday in ardayda dhammaan ay dhaceen, kulliyaddii ay ka tirsanaayeen iyo jaamacaddu way ku raaceen go’aankaa. Iyadoo ardaydii maadada qalliinka lagu siiyay Eber dhammaantood.

Maandeeq FM

Related Articles

Close