WararkaWaxbarashada

Dal Carbeed oo Laga Arki Doono Saddex Dhacdo oo Taariikhi ah Bishan Janaayo

Maalinta ugu dambeysa ee bishan Janaayo, ayaa  dalka Morocco laga arkidoonaa saddex dhacdo oo Kowni ah oo samada dalkaas laga arki doono.

Sida uu qoray website-ka Morocco24, waxaa la wada sugayaa maalinta ugu dambeysay ee bishan socota in dalka Morocco laga daawado muuqaalka “Dayaxa weyn” ee NASA ku magacowdo Wolf Moon.

Sidaas oo kale samada dalkaa waxaa laga arki doonaan “blue moon” oo dayax isagoo dhameystiran xilli aan looga baran la arki doono, inta aaney dadku arkin dayax madoobaad dhameystiran oo si buuxa uu dayaxu u madoobaanayo oo ay dalkaa ugu dambeysay 150 sano ka hor, waana arrinta NASA ay ku magacowdo “Great Blue Moon“.

Dhacdada Blue Moon-ka waxay dadka soo martaa labo sano iyo bar kasta sida caadiga ah, laakiin dayax madoobaadka si buuxa uu dayaxu u madoobaado waxaa ugu dambeysa dalka Morocco sanadkii 1866.

Dhacdooyinkaa naadirka ah ee is biirsaday ayaa la filayaa iney la socdaan kumaan qof oo reer Morocco ah iyadoo dadka sawir qaadayaasha ahnina ay si gaar ah ugu diyaar garoobayaan dhacdadaa taariikhiga ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close