WararkaWaxbarashada

Shirweynaha Dib u Eegista Waxbarashada oo Maalinimada Bari ah Ka Furmi Doona Puntland

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland  Maxamed C/qaadir Cusmaan oo la hadlay qaar ka mid ah saaxafadda gudaha ayaa sheegay in maalinimada barri ah uu furmi doono shirweynaha dib u eegista waxbarashada oo sanadkan ay ka qeybgali doonaan wasaaradda waxbarashada Federaalka iyo tan maamul goboleedyada dalka.

Maxamed C/qaadi ayaa ugu horreyn ka hadlay ulajeedada shirkani waxa uu yahay:

“Shirweynaha dib u eegista waxbarashada waa shir qabsooma sanad kasta mar, wuxuuna yahay shirkii 4aad ee heerkiisa ah, ayaa ku beegan maalinta 16 iyo 17. Ulajeedka sharkaasi waxa weeye in dib loogu eego waxbarashada iyo qorshayaashii 2017 wixii qabsoomay, meelihii ay caqabaddu ka jirtay, wixii lagu guuleystay in la qabto iyo Qorshaha 2018.”

Waxa uu sheegay in shirkani uu yahay kii 4aad ee Puntland ka dhaca laakiin sanadkan uu kaga duwan yahay in heer Federaal uu yahay:

“Markan waxa uu kasii xoog badnaan doonaa shirarkii hore, waxaa diiradda lagu saari doonaa guud ahaan waxbarashada Soomaaliya, khaas ahaanna waxbarashada Puntland iyo sidii loosii horumarin lahaa, runtii waa shir macno weyn leh, macnana u leh dowladda iyo bulshada Puntlandba, waana shirarka ay ku  qotanto qorshayaasha wasaaradda waxbarashada iyo waxa ay bulshada u qabaneyso.”

Waxa uu tilmaamay in shirkan ay kasoo qeybgali doonaan deeq bixiyeyaal farabadan oo waxbarashada taageera:

“Waxa kaliya oo uu kaga duwanaan doonaan kasoo qeybgalayaasha oo aad u tiro badan, waxaad dareemaysaan dhammaan maamul goboleedyadii dowladdii Federaalka, deeq bixiyeyaal farabadan ummad farabadan ayaa kasoo qeybgalaysa.”

Si kastaba, Puntland ayaa aad loogu ammaanaa hannaanka tayada waxbarashada, iyadoo habka Imtixaanka shahaadiga ah loo qaado ay uga fiicnaayeen sanad dugsiyeedkii 2016/2017

Maandeeq FM

Related Articles

Close