arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Tuug Ku Gam’ay Kurisaga Guri uu Udhacay!

Nin iyo wiil uu dhalay oo dagan magaalada Erfurt ee dhex bartamaha dalka Jarmalka ayaa ay lama filaan ku noqotay kadib markii ay hurdada kasoo kaceen oo ay arkeen nin hurda qolka fadhiga oo aaney ka qasnayn. Arrintii ayay isla markiiba booliska ku wargaliyeen.

Booliska Jarmalka ayaa Axaddii sheegay in arrinta layaabka leh ay ahayd in ninkani waxyaabihii uu soo xaday uu meel qura kusoo uruursaday habeennimadii sabtida, kadibna hurdo ayaa la tagtay oo uu iska seexday.

Booliska ayaa arrintaa ku macneeyay iney ahayd sarkhad jirkiisa ku jirtay oo keentay inuu daal kula kordhaco fadhi meesha yaallay hurdaduna ay la tagto.

Booliska ayaa bayaan ay soo saareen sidoo kale ku sheegay in eedaysanaha uu habeenkii uu ku qaatay iyadoo ay booliska ay ilaalinayaan “Si aan caafimaadkiisa loo waxyeellany oo hurdadana aan loogu kala jarin.”!

Ugu dambeyn, Booliska ayaa gacanta ku dhigay eedaysanahan iyo alaabtii uu watay una dhaadhiciyay xabsiga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close