DugsiyadaWararkaWaxbarashada

10-Calaamadood ee Lama Filaanka ah ee Lagu Ogaado Garaadka Sare ee Qofka

Waxaa dhici karta inaad imtixaanka ku wanaagsan tahay oo aad ku hadasho hal luqad wax ka badan,  waxaa dhici karta in arrimahaasi aaney farriin cad ka bixineyn inaad dadka kale ka garaad sarreyso ama aad ka caqli badan tahay.

Sida lagu daabacay Chenelka Yutube-ka ee la yiraahdo “AsapSCIENCE”, Khubaro baaritaanno kala duwan sameeyay ayaa ogaaday in khibradaha shakhsigu nolosha ka kororsado oo lagu daray arrimo kale oo aan hoos ku xusi doonno ay sameeyaan astaan adag oo ku tusunaya in qofku leeyahay garaad ka sarreeya heerka dhexdhexaadka ah ee qofka caadiga ah.

1 -Dhirirka

Soomaalidu waxay ku maahmaadaa “Nin dheeri dhug ma laha”, laakiin cilmigu arrintaa wuu ka soo horjeedaa, halkan waxaa la leeyahay dhirirka kaalin ayuu ka yahay caqli badnaanta qofka, taa macneheedu maaha in qof kasta oo dheer uu dadka kale ka caqli  iyo garaad sarreeyo. Daraasad la sameeyay 2009 ayaa lagu ogaaday in caruurta asaaggooda ka joog dheer  iney ku darajo sarreeyaan dhanka imitaaxaanka.

2 -Curadnimada

Haddii aad curad u tahay qoyskiinna waxaa hubaal ah inaad walaaladaa ka garaad sarreyso, waxa kaliya ee aad walaaladaa dheer tahay ayaa ah xanaanada waalidka oo koolkoolin ku ka badan walaaladaa aad ka heshay maadaama aad adigu ugu horreyso caruurta.

3 -Nuujinta dabiiciga ah

Daraasad la faafiyay 2015 ayaa lagu ogaaday in caruurta naasnuujinta dabiiciga ah hela 12 bilood ee ugu horreeya noloshooda ay ka garaad sarreeyeen asaagooda aan fursaddaas oo kale helin.

4 -Shaqada Habeenkii

Daraasaadka la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shaqooyinka xilliga habeenkii dadka qabtaa ay garaad ahaan ka sare maraan asaaggood, maadaama ay xilligaa xasilloon wax qabanayaan, teeda kale waa tan la yiraahdo “Qofka meel sare doonaya inuu tiigsado habeenno ayuu dhafraa”. In kasta oo daraasaad dhawaan soo baxay ay dumarka uga digayso iney xilliga habeenkii ay shaqeeyaan lana ogaaday iney unuglyihiin kansarka, ayaa hadana la xaqiijiyay dadka habeenkii shaqeeyaa iney asaagood ka garaad sarreeyaan.

5 -Walwalka

Daraasaadka la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka walwalka badan amaba murugada badan ee Depression-ku ku dhaco ay asaagood iyaguna ka garaad sarreeyaan, sanadkii 2014 ayaa khubaro baaritaan ku sameysay ay ogaadeen in dadkaasi heerka garaadkoodu uu sarreeyo. In kastoo walwalko sidiisaba uu yahay mid aan nolosha qofka u wanaagsanayn.

6 – Daydream- Maalin riyoodka

Waana riyooyinka qofka ee xilliga maalintii isagoo soo jeeda uu ku riyoodo, waana fikir caqli ah oo qofka istusa, waxaana u badan dadka Teenagers ee xilliga qaangaarka ku jira.

7 -Qofka Guran

Daraasaadka la sameeyay ayaa lagu ogaaday qofka guran ee gacanta bidixda ah isticmaala uu garaad sarreeyo uuna qof hal-abuur leh inta badan.

8 -Music

Haddii aad karto inaad music-ga garaacdo, waa arrin ku tusunaysa inaad tahay qof hibo leh oo aad u caqli badan.

9 -Balwadda Sigaarka dadka aan lahayn

Daraasaad la sameeyay 2009 oo laga baaray dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 18, 21 sano oo kuwa sigaarka caba ah ayaa la ogaaday in ay ka garaad hooseeyaan asaagood.

10 -Qosolka arrimaha taban

Haddii aad ku qoso waxyaabo dadka kale aaney ku qoslin inta badan, nasiib darrada dadka kale ila qosolka geerida ku saabsan iyo arrimaha kale ee dadka caadiga ah ku adag iney ku qoslaan, waxaa hubaal ah inaad leedahay garaad sare, waa sida ay qabaan khubarada cilmi-nafsiga.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close