WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno Horumariyay Dhir Iftiinkeeda Wax Lagu Akhrisan Karo

Saynisyahanno ka tirsan mac’hadka MIT ayaa horumarin ku sameeyay dhir ifaysa oo soo daynaysa shucaac ku filan marka uu madowga xoogani jiro in wax lagu akhristo.

Sida lagu qoray “News.mit”, Saynisyahannada biology-ga ee mac’hadka MIT ayaa natiijadan gaaray kadib markii ay u suurtogashay iney nanoparticles  ku abuuraan caleenta dhirta, taas oo ka dhigtay iney dhirtu soo saarto shucaac suurtogalinaya inuu ifo muddo Saddex saacadood iyo bar ah. Danta ay ka lahaayeen ayaa ahayd iney iftiin dabiici ah u helaan deegaanka ay ku shaqeyaan, tallaabadan ayaa hordhac u ah in dhirta waddooyinka lagu talaalo looga dhigo nalal iftiin ah oo quruxda xilliga habeenkii wax ku soo kordhiya.

Website-ka ayaa caddeeyay in ulajeedada ugu dambeyn la doonayo in la gaaraa uu yahay in iftiinka nalalka caadiga ah lagu bedelo mid dhirta laga soo saaro, iyadoo aan ognahay in 20% isticmaalka kororntada in iftiin lagu bixiyo, waxaa ku baaqaneysa maaliyad farabadan, waxaana hoos u dhacaysa gaaska carbon dioxide hawada wasakheeya.

Isku daygii koowaad waxa uu ahaa in la helo dhir ifaysa muddo 45 daqiiqo ah, laakiin horumarintii ay khubaradan sameeyeen ayaa lagu gaaray in la helo dhir ifaysa muddo 3 Saacadood iyo bar ah oo laga soo saaray dhir dhirirkeedu uu yahay 10 CM oo sameynaysa iftiin ku filan oo wax lagu akhrisan karo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close