WararkaWaxbarashada

Warqad Dhowr Jeer Loo Isticmaali Karo Daabacaadda oo Lasoo Saaray

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Nanjing ee isgaadhsiinta ayaa soo hindisay warqad khaas ah oo dhowr jeer loo adeegsan karo daabacaadda electronic-ga ah.

Maqaal lagu faafiyay joornaalka Nature Communications ayaa lagu sheegay in warqaddan lagu daabici karo qoraallada iyo sawirrada iyadoo aaney tayadeeda waxba iska bedelayn xitaa marka la adeegasdo 9 jeer oo daabacaad is xigxigta ah.

“Muddo fog ayaa warqaddu aadanaha u ahayd tan ugu muhiimsan ee macluumaadka lagu daabaco ilbaxnimadana astaan u ah. Iyadoo ay jirto in qalabka electronic-ga ahi uu aad u faafay meel kasta oo dunida ka tirsan ayaa warqaddu ay noqonesaa habka ugu caansan ee macluumaadka la iskugu gudbiyo loona kaydiyo.”, waa sida maqaalka lagu xusay.

Waxaa khubaradan u suurtogashay iney soo saaraan warqad qoraalkeedu muddo dheer ku haynaya, marka loo baahdana la masaxi karo oo qoraal kale dusheeda lagu daabici karo.

Warqaddan ayaa ah warqaddii caadiga ahayd oo lagu daray 3 dabaqadood oo kale oo ka kooban maadada dabiiciga ah ee terpiridine oo lagu laray ions ka tirsan  macdanno kala duwan, gaar ahaan birta, naxaasta iyo zinc.

Khubaradu waxay leeyihiin daabacadda midabka ah iyo tan midabka madowga ah labadaba ay u suurtogaleyso warqaddan in lagu daabaco. si macluumaadka ku daabacan loo masaxo waxaa loo adeegsadana maaddo gaar ah oo loogu talogalay in lagu masaxo khadka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close