WararkaWaxbarashada

Daraasad: Naas-nuujinta Dabiiciga ah oo Hooyada Ka Yareysa Khatarta ah Inuu Ku Dhaco Cudurka Sokorowga

Daraasad uu sameeyay markaska “Kaiser Permanente” ee gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in hooyooyinka caruurtooda nuujiya 6 bilood iyo in kabadan ay ku yartahay khatarta ah inuu ku dhaco cudurka Sonkorowga noociisa labaad heer gaarsiisan  47%  mudada dhalmada, daraasad lagu tilmaamay iney tahay tii ugu wakhtiga dheerayd.

Sida uu daabacay wargeyska “Daily Telegraph” ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, daraasaddani inta ay socotay ayaa data laga uruuriyay dumar farabadan oo ka qeybgalay, iyadoo muddo 30 sano ah si gaar ah xaaladooda caafimaad iyo noloshooda loola socday.

Khubaradii daraasaddan sameysay ayaa ogaatay in dumarka caruurto nuujiya 6 bilood ay khatarta cudurka Sonkorowgu ku yaraato 47% muddo Saddon sano ah oo dumarkaa baaritaan joogto ah lagu hayay.

Dhanka kale, dumarka caruurtooda nuujiyay muddo lix bilood ka yar ayaa khatarta ah inuu ku dhaco cudurka ay gaarsiisan tahay 25%, marka loo eego dumarka aan caruurtooda nuujin oo khatarta ah inuu sonkorowgu ku dhaco ay aad u badan tahay.

Khubaradan ayaa arkay in naas-nuujinta dabiiciga ah ay wanaajiso hormoonnada xakameeya heerka insulin-ta dhiigga, waxayna hoos u dhigtaa heerka sonkorta, sidaas oo kale waxay jirka ku kaalmeysaa inuu miisaanka dhimo ay hooyadu kororsato xilliga uurka, sidaa darteed waxaa iska dabiici ah iney hoos u dhacdo khatarta ah iney sonkorowga qaadaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close