arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Iska Ilaali Waysada Tubbooyinka Si Aadka Ah Uga Sarreeya Dhulka

“Tuulada boqor Sucuud” ee caafimaadka ayaa ka digtay in loo wayso qaato si aan habbooneyn, gaar ahaan marka lugta kor loo qaadayo xilliga ay tubadu dhulka si aad ah uga sarreyso.

Mu’asasadan caafimaad ee ka dhisan dalka Sucuudiga ayaa sheegtay in wadada khaldan ee loo wayso qaato ay dhibaato u keento laf dhabarta, iyadoo jab ku keenti karta lafaha isgoysyada, lugaha iyo gacmaha.

Khabiirka caafimaad ee dhanka lafdhabarta Dr Sa’ad Radi Al Sarour ayaa sheegay in dhabar xanuunka ay dadka qaar dareemaan uu ka dhasho caadooyin aan wanaagsaneyn ee ay ku dhaqmaan nolol maalmeedkooda, waxaa caadooyinkaa ka mid ah marka lugta kor loo qaadayo ee tubada dhulka ka fog tahay ee xilliga waysada, cadaadsi marka uu qofku in muddo ah ku dhaqmo waxay u keentaa dhabar xanuun. Sidaa darteedna ay habboon tahay inaan lagu waysasan tubooyinka dhulka ka fog ee lugta in kor loo qaado qofka ku khasban yahay.

Si kastaba, waxaa habboon sida dhakhaatiirtu ay sheegayaan in lagu wayseysto tubooyinka hooseeya ee aanuu qofku ku khasbayn inuu lugtiisa kor u qaado si dhabar xanuunka iyo lafajab looga gaashaanto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close