arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waalid 13 Caruurta ah oo Ay Dhaleen Ku Ciqaabayay Gaajo iyo Silsilado oo La Qabtay

Booliska Mareykan ayaa ku dhawaaqay Isniintii iney guri yar oo California ku yaalla ay ka heleen 12 caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 2 illaa 25 jir oo guri ku qufulan gaajo iyo wasakh la ildaran, qaarkood ay silsilado ku xirnaayeen, halka gabar 13aad ay u suurtogashay iney guriga ka baxsato oo booliska ay wargeliso.

Booliska ayaa beegsaday guriga David Turpin oo 57 jir ah iyo xaaskiisa Louise-Anna oo 49 jir ah, waxayna ka heleen caruur tiro badan oo silsilado qaarkood ku xirxiran yihiin oo guri madow ba’ani ka jiro dhex fadhiya, caruurtaa ayaa waxay la ildarnaayeen gaajo iyo dacdarro.

Waalidkan ayaa la qabtay loona soo jeediyay eedaymo ay ku jiraan ciqaabid iyo in caruurta noloshooda khatar loogu bareeray, iyadoo gabar ay dhaleen oo 17 jir ah ay Booliska gaarsiisay xaaladda ay walaaladeed ku sugan yihiin.

Xeer ilaalinta ayaa labadan waalid ku furay dacwad, iyadoo lacagta kafaalada ah ee lagu sii dayn kartaa ay tahay 9 milyan oo dolar midkiiba.

Sida lagu sheegay channelka KTA ee local-ka ah, aabaha caruurtan dhalay ayaa ah maamule iskuul gaar loo leeyahay, waxayna boolisku faafiyeen sawirka hooyada iyo aabaha ee ay ka qaadeen markii ay qabteen, iyadoo illaa iyo hadda aan la gareyn sababta ay caruurtooda sidaa ugu silcinayeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close