arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

5jir Wax Ka Bixisa Biilka Reerkooda! Xaggey Lacagtu Kasoo Gashaa?

In qashinka la xaaqo, maacuunta la mayro, guriga la nadiifiyo.. waa shaqada ay qabtaan inta badan caruurta oo ka qeybqaata shaqada guriga. Waana arrin wanaagsan. Daraasad ay sameeyay jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in caruurta shaqada guriga ka qeybqaata marka ay gaaraan 3jir ama 4jir ka iney mustaqbalka noqodaan kuwo nolosha ku guulaysta marka loo eego asaagooda kale.

Wareysi uu jariidada Berliner Kurier siiyay dhakhtarka caruurta ee  Robert Dernick ayuu yiri; “Haddii qof lagu kalsoonaado yaraantiisa si uu saameyn ugu yeesho nolosha dadka kale, qofkaasi marka uu waynaado go’aanno wanaagsan oo dhanka nolosha ayuu qaataa si ka fiican asaagii.”

Hadaba, hooyo American ah oo la yihaado Essence Evans ayaa gabar ay dhashay ku tarbiyaysay iney nolosha guriga saameyn ku yeelato biilka gurigana ay wax ka bixiso, gabadheeda yar oo hesha $7 Isbuucii nusasaace ahaan loo siiyo ayaa $5 oo ka mid ah guriga dib u gelisa, $1 waxay ku bixisaa kirada guriga, $1 waxay ku bixisaa biyaha,  $1 korontada, $1 kharashaadka telefishka ee billaha ah iyo $1 oo raashinka guriga ay ku darsato., labada dollar ee u soo hartana waxay doonto oo kale ayay ku sameysaa.

Hooyadana ayaa ku macnaysay sababta ay gabadheeda yar habka ugu tarbiyaynayso, si ay u barto mas’uuliyadda ayna u fahamto qiimaha dhabta ah ee lacagtu leedahay. Waxay canugtaa yar baraneysaa waa in $5 aaney marnaba ka dayacmayn.

Essence ayaa hooyooyinka kale ee la midka kula talineysa iney wadeeda oo kale raacaan, fikradeedu waxay soo jiidatay in ka badan 218 kun oo qof oo soo dhaweeyay. Halka 306 kun oo kale ay sheegeen iney tallaabadan oo kale qaadanayaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close