arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daaci Sucuudiyaan ah oo Lagu Dilay Dalkan Afrikaanka ah

Daaci Sucuudiyaan ah ayaa galabnimadadii Talaadada January 16, 2018 ku geeriyooday bariga Guinea sida ay sheegeen ilo wareedyo laga helay ammaanka waddankaas.

Sida uu qoray websit-ka Sabq.org ee Sucuudiga kasoo baxa, Sheikh Abdul Aziz Twegry waxa uu u dhintay rasaas rag hubaysan oo aan haybtooda la garaneyn ay la beegsadeen sheekha, halka uu badbaaday wadaaygii sheikha daaciga kale ee la yiraahdo sheekha  Axmed Al-Mansour.

 Sheikh Abdul Aziz Twegry ayaa waxa uu ka mid ahaa ergo ducaad ah oo mashaariic  ay masaajid kamid tahay ka hirgelinaysay dhulka sare Guinea ee dhinaca ku haya xuduudda Mali iyo Ivory Coast.

Wadaadkan ayaa lagu dilay tuulada Kantipalandugu  ee u dhaxaysa Kankan iyo magaalada Karawani.

Ilaha amniga ayaa sheegay: “Waxa lagu dilay labo rasaas oo laabta lagaga dhuftay, xilli uu mooto saarnaa isagoo ku sii jeeday gaarigiisa.”, isla markiiba naftu goobta ayay kaga baxday, waxaan loo qaaday Isbitaalka Kankan.

Ilaha ammaanka ayaa baaritaankii ugu horreeyay ee ay sameeyeen ku ogaaday in uu sheekhu Kudbad aan dadka qaar cajabgelin uu ujeediyay qeyb ka mid ah dadka deegaanka, taas oo keentay in koox ugaarsato ah oo deegaanka ka tirsan ay si gaadmo ah ay ku dilaan.

Si kastaba, dalka Guinea ayaa tirada Mulimiinta dalkaasi ay gaareysaa illaa 85%.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close