DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Macallimiinta Ugu Wanaagsan ee Dunida Wax Ka Bedeshay (2)

Waxaan shaki ku jirin in mihnadda macallinimadu ay tahay mid adag. Macallinka wanaagsanina uu yahay kan ardaydiisa gaarsiiya farriimaha muhiimka ah ee ay noloshooda u baahan yihiin isla markaana dareemi kara baahida ardaydiisa, habka ay wax u bartaana isbedel muuqda ku sameyn kara.

Hadaba, Halkan waxaan ku dhameystireynta qeybtii 2aad macallimiinta ugu wanaagsan ee dunida wax ka bedelay.

1 -Aqeela Asifi

Waa macallimad Afghanistan u dhalatay oo taariikhda iyo Juqraafiga barta ardayda muhaajiriinta ku ah Pakistan, sanadkii 1992 ayaa ay ka carartay go’doominta mujaahidiinta ee Kabul iyadoo ay lasocdaan xaaskeeda iyo labo caruur ah oo yaryar, markii ay Afghanistan kasoo carartay waxay moodaysay iney gurigeeda dib ugu laabaneyso, waxaana lagu yaqaanaa geesinimadeeda iyo aaney marnaba ka daaleyn  wax barista gabdhaha, waxay aasaastay iskuul ay teendho ka dhex sameysay, waxay u bareertay iney ka adkaato dhibaatada qaxootigu uu leeyahay. Qoyskeeda ayay isku afgarteen iney gabdhaha waxbarto, bilowgii hore waxay xoogga saartay iney haweenka barto, nadaafadda, maamulka guriga iyo waxbarashada diiniga ah.

Afghanistan waxaa ka jirtay dhibaatada ugu mudada dheer ee adduunka marka lagu daro Soomaaliya, waxaa hadda qurbo joog ka ah dalkaas 2.6 milyan oo Afghanistan ah, iyadoo kala barna ay yihiin caruur, waxbarashadooduna ay muhiim u tahay si ay dalkooda dib ugu laabtaan ama ay ula qabsadaan bulshada dalalka ay la noolyihiin.

Aqeela Muddo kadib, waxay u gudubtay iney caruurta barto akhirs qoraalka, xisaabta, Juqraafiga iyo Taariikhda.

Maanta waxay gacanta ku haysaa 9 Iskuul oo ay macallimiin farabadan wax ka dhigaan in kabadan 1500 arday oo 900 oo ka mid ah ay gabdho yihiinna ay wax ka bartaan.

Waxay ku guuleystay abaalmarinada Nansen ee UNHCR sanadkii 2015, iyo abaalmarinta Varkey foundation award sanadkii 2016.

2 – Colin Hegarty

Waa macallin ka tirsan iskuulka Preston Manor ee Wembley, waxa uu soo galay liiska gaaban 10 murashax ee abaalmarin sanadeedka mu’asasada Verkley Foundation u taagan, markii hore waxa uu ku shaqeyn jiray “accountant” laakiin waxa uu aad u jeclaa inuu dadka xisaabta baro, waxaana uu yiri: “Waxaan jeclahay inaan xisaabta dadka baro, intii aan shaqadeyda bedelay.”

Sanadkii 2011, ayaa waxa uu bilaabay inuu abuuro Chenel dhanka Youtube-ka ah si uu fasallada waxbarasho ugu taageero oo ay wax ugu muraajaceystaan, waxa uu soo saaray 1500  muuqaal, oo ahaa muuqaallo saameyn badan ku yeeshay ardayda UK darajaadka ay maadada xisaabta ka helaanna kor u qaadday, waxaanuu ka qeybqaatay tabarro loo fidinayo macallimiinta xisaabta wax ka dhiga.

Waxa uu ku guuleystay abaalmarinta macallinka sanadka UK 2015, isagoo abaalmarinta uu guddoonsiiyay Ra’isul-wasaarahii hore ee dalkaas.

Sanadkii  2016 ayuu ku guuleystay abaalmarinta Varkey Fondation.

3 -Ayub Mohamud

Waa macallin Soomaaliyeed oo ka howlgala dalka Kenya inta aanuu Nairobi u soo guurin waxa uu wax kasoo dhigay dhowr iskuul oo miyiga Kenya ah si caruurta reer miyiga ugu dhiirigeliyo iney Iskuulaadka ku biiraan. Heerka waxbarasho ee iskuulka uu hadda joogana kor ayuu u qaaday.

Ayub daraasaadka gacansiga ayuu Nairobi ka dhigaa, isagoo hab hal-abuur leh ardaydiisa wax u bara, waxaanuu sheegay inuu isku dayo si uu ardayda ay nuqdaan kuwo nolsoha ganacsiga ku guuleysta.

Fikrad uu keenay oo ah in laga gaashaanto qashinka adag ayaa soo dhaweyn ka heshay dalka Mareykanka. Maxaa yeelay waa sida kaliya ee looga gaashaaman karo cudurada dilaaga ah ee xilli roobaadka dillaaca ee ay ka midka yihiin Daacuunka iyo duumadu.

Ayub waxaa kale oo lagu yaqaanna inuu yahay qof u dhaqdhaqaaqa la dagaalanka xagjirka gudaha Kenya. Waxaanuu leeyahay istiraatiijiyad lagaga hortago xagjirnimada, waxa uu aasaasay ururka macallimiinta ee ka hortagga xagjirka, ayuub waxa uu helay abaalmarinta Varkey Fondation ee macallinka ugu wanaagsan kadib markii uu liiska gaaban ee 10 macallin ee ugu wanaagsan uu kasoo dhex muuqday.

4 -Kazuya Takahashi

Waxa uu wax ku bartay dalka Mareykanka, waxaanuu helay waxbarsho sare oo dhigista Sayniska ah inta aanuu ku noqon dalkiisa hooyo ee Japan.

Waxa uu dajiya barnaamij uu hal-abuurka ardayda ku taageerayo isagoo garab ka helay mu’asasada “Japan Space Elevator Association“, tartankii ugu horreeyay waxa uu u qabtay ardayda dugsiyada sare. Waxaanuu aaminsanaa in la kala saaro waxbarashada uu ardaygu iskuulka ka heli karo iyo tan uu dibadda ka kasban karo. Ardayda waxa uu ku dhiirigeliyaa iney hal-abuur la yimaaddaan. Iskuul uu aasaasay ayaa ardaydii noqodeen kuwo waxbarashada aad ugu sarreeya, habka hal-abuurka ah ee uu raacayo darteed; waxaaney saaxiibadii wadaagaan si bile ah siminaar ay afkaarta isku weydaarsadaan waxa ugu wanaagsana ay isku dhaafsadaan.

Waxa uu ardaydiisa u diyaariyaa fursado ay si mutadawacnimo ah dibadda ugu aadayaan guryaha agoonta Thailand, iyo booqashooyin dalka Indonesia ah si ay u waajahaan dhibaatooyinka dalkaa ka jirta.

Abaalmarinta Varkey Foundation ee 2016 ayuu ku guuleystay.

5 -Gamal AlKady

Gamal waa macallin Masar u dhashay, waxaanuu dhigaa luqadda Ingiriiska, waxa uu waxbarashadiisa kasii watay jaamacadda Mareykanka ee Qaahira, waxaanuu haystaa shahaadooyin farabadan oo dhanka tarjumaadda ah.

Waxa uu adeegsadaa hab uu isagu hal-abuuray oo ardaydu ay aad ugu raaxaysaan marka ay wax ka baranayaan, waana arrinta u keentay inuu guulo waaweyn ka gaaro barista luqadda. Dhamaadka fasal kasta waxa uu dhigista raaciyaa fasiraadda heeso iyo fasiraadda musalsallada iyagoo uu akhlaaqda aad u ilaaliya.

Waxa uu leeyahay urur samafal ah oo koorsooyin luqadda Ingiriiska lagu barto si bilaasha ah ugu fidiya ardayda iyo dadka daneynaya, waxaanuu kasoo dhex muuqday liiska 50 macallin ee u sharraxan abaalmarinta Global Teacher Prize ee Varkey Foundation.

Source: Global Teacher Prize   

Maandeeq FM

Related Articles

Close