arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxay Diideen Iney Caruurta Isku Celiyaan Kadib Markii Xilligii Dhalmada Ubadku U Kala Bedelmay!

Salma Parbin waxay dadka u sheegi jirtay in ninkeedu aanuu ramysanayn laakiin canuga ay korsaneysaa aanuu aanuu ahay jirkeeda mid kasoo go’ay.

Jariidada “Theguardian” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda ayaa qortay in haweenaydan odaygeeda oo la yihaado Sahabuddin Ahmed uu yiri arrintu waxay noqotay mid ay dadku ku sheekaystaan gudaha India.

Sheekadan ayaa dib ugu noqonaysa maalintii ay Parbin dhaleysay 2015, waxay ku dhashay isbitaalka Mangaldoi hospital ee gobolka Waqooyi ee Assam, isla xilligaa waxaa isbitaalka ku dhalaysay haweenay kale oo ka tirsan qabiilka Bodo, waxaa u kala bedelmay caruurta. Oo dumarka marka ay ilmaha dhalaan iyagoon arkin ayaa laga hoos qaada number baa loo sameeyay ilmaha isku wakhti la dhalayna meel baa la iskugu geeyaa si hooyada xaaladeeda caafimaad marka hore loo daryeelo.

Sahabuddiin ayaa yiri; “Xaaskaygu waxay igu tiri ilmahan yar waxa uu leeyahay indhaha qabiilka Bodo-ga.. aad ayayna ugu kalsooneyd inaanuu ilmaheedii ahayn: canugani keeni maaha, qoys kale ayaa dhalay.”, laakiin waxaan u sheegay in dhakhtarku ku yiri xaaskaagu xoogaa dhanka maskaxda ayay jug ka qabtaa ee xaaladeeda la soco.

Bishii dambe ayaa Axmed uu isbitaalka ka codsaday in loo eego liiska dadkii isla maalintaa ay ilmo ugu dhasheen isbitaalka, markii liiskii loosoo bandhigay ayaa waxaa kasoo dhex muuqday magaca qoys Bodo ah oo isla marlintaa uu canug ugu dhashay isbitaalka.

Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waan yeelan waayay geesinimo aan xaaskayga ugu sheego in isla maalintaa qoyska Bodo ah uu canug ugu dhashay isbitaalka.

Qoyskii way raadiyeen muddo kadibna labadii qoys way is heleen. Aabaha qoyska kale oo la yiraahdo Anil Boro ayaa yiri: “Marnaba shaki igagama jirin in canugani uu yahay jiirkayga.”

Labadan qoys ayaa markii ay isku yimaaddeen isla arkay  khaladkii dhacay maalintii dhalashada, laakiin hadana waxay isla garteen inaaney isku celin caruurta oo cid kastaaba ilmihii ay korsatay iska haysato!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close