WararkaWaxbarashada

Buugga Fire and Fury oo Loo Bedelayo Musalsal Telefishinka Laga Daawado

Buugga “Fire and Fury” ee lagu ceebeeyay madaxweyne Trump ayaa loo bedelayaa musalsal telefishin oo si taxane ah loo daawandoono.

Labada joornaal ee Variety iyo Hollywood Reporter ayaa qoray in shirkadda Endeavor ee madadaalada u qaabilsan Hollywood ay iibsatay xuquuqda buuggan aadka ay dadku iibsadeen ee Fire and Fury, ayna ka go’an tahay iney musalsal telefishin ah ka sameyso.

Alifaaga buugga Michael Wolff ayaa soo saare ka noqondoona musalsalka oo la doonayo in xuquuqdiisa baahintiisa laga iibiyo dhowr telefishin oo aan illaa iyo hadda magacyadooda la shaacin, waxaana ay dadku durbaba bilaabeen iney ka sii hadlaan magacyada jilaayaasha musalsalka ee matalidoona kaalinta madaxda Aqalka Cad.

Buugga Fire and Fury ayaa si mugleh uga hadlaya xaaladda isku dhex yaaca ah ee ka jirta Aqalka Cad ee Mareykanka mudada sanadka ahayd ee uu madaxweyne Trump xukunka hayay, buuggan ayaa inta badan waxa uu ku tiirsan yahay xogo uu soo bandhigay Stephen K. Bannon oo ahaa la taliyihii hore ee madaxweyne Trump ee dhanka Istiraatiijiyadda.

Si kastaba, buuggan oo soo baxay 5 Janaayo ayaa madaxweyne Trump ku tilmaamay inuu yahay qof doqon ah oo maskaxdiisu aaney fadhin oo aan u qalmin inuu Mareykanka maamulo. Trump oo bartiisa Twitter-ka kaga hadlay buugga ayaa ku dhaleeceeyay inuu yahay buug sheekooyin mala awaal ah lagu iibinayo oo xaqiiqada dhabta ah ka fog.

Maandeeq FM

Related Articles

Close