arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Facebook oo Ku Tartameysa Xuquuqda Baahinta “Live” ee Horyaalada Ugu Waaweyn Adduunka

Wargeyska “the Guardian” ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray in barta bulshada ee “Facebook” ay mas’uul warbaahinta ka shaqeeya oo sare ay u magacowday fulinta mashruuc Blaayiin dollar ku baxayso oo  ay ugu tartameyso xuquuqda baahinta ciyaaraha kubadda cagta ee horyaallada ugu daawashada badan adduunka.

Sida wargeysku sheegayo maamulaha fulinta ee shabakadda Euro Sport” Peter Hutton ayaa la filayaa inuu Facebook gacanta u soo galiyo xuquuqda baahinta. Facebook ayaa horey ugu fashilmay inuu helo xuquuqda baahinta “Live”ka ah  ee horyaalka Cricket dalka India, heshiis ku kici lahaa 600 milyan oo dollar.

Hutton ayaa la filayaa inuu barta gacanta u soo galiyo xuquqda baahinta ciyaaraha horyaalka Kubadda Cagta Ingiriiska oo codsiyada ugu dambeyn la qabandoono February, 9, ee baahinta xuquuqda xilli ciyaareedyada 2019-2022.

In tartanka baahinta horyaallada ugu daawashada badan dunida uu Facebook kusoo biiro ayaa walwal badan ku abuurtay warbaahinta kale, maadaama lacago farabadan oo maalgelin ah bari heli karto.

Hutton ayaa horey kaalin uga soo ciyaaray in “Euro Sports” uu ku guuleysto heshiis 92 milyan oo pounds oo giniga Ingiriiska ah ku kacay oo ay ku heleen xuquuqda baahinta Olympics Europe.

Kubadda cagta ayaa ah Sports-ka ugu shacbiyadda badan adduunka ee ay ku xiran yihiin dadka isticmaala Facebook ee daafaha dunida ku kala nool.

Maandeeq FM

Related Articles

Close