WararkaWaxbarashada

Go’aan Rasmi ah oo Hab Madadaalo leh Loosoo Gudbiyay.. Wasiirka Waxbarashada Jordan oo Soo Saaray Amar Ay Dadbadani Ka Falceliyeen

Wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta Jordan Omar Razzaz ayaa hab “Madadaalo ah” ugu dhawaaqay go’aan rasmi ah oo arday farabadan ay sugayeen.

Wasiirka ayaa bartiisa twitter-ka kusoo daabacay in Imtixaanka uu wakhtigii loogu talagalay dhacayo Sabtida, Janaayo 20, 2018.

Wasiir Omar Razzaz oo la hadlayay ardaydiisa ayaa yiri: “Ardaydaydii waxaan ogahay in qaarkiin ay jeclaayeen in baraf uu soo da’o maanta, isbedelkii cimilada ayaa saameyn nagu yeeshay. Mustaqbalka caalim idinka mid ah ayaa xal u keeni doono! inta wakhtigaa laga gaarayo barri waa maalin imtixaan. Waxaan idiin rajeynayaa guul.”

Qoraalka wasiirka dadkii ka falceliyay ayaa aad ugu ammaaney habka uu ardayda warka rasmiga ah ugu soo gudbiyay ee hal-abuurka leh. Iyo dhiirigelinta uu siiyay iney mustaqbalka culumo-saynisyahanno ah noqdaan.

Si kastaba, dalka Jordan(Urdun) ee Carbeed aayaa xilliyadan oo kale barafku caadi ahaan ka da’aa, markaas waxaa dib loo dhigaa Imtixaanaadka ardayda si nabad-qabkooda loo hubiyo marka hore.

Maandeeq FM

Related Articles

Close