WararkaWaxbarashada

Wasiirrada Waxbarashada Maamul-goboleedyada Dalka oo Ammaan Ballaaran Usoo Jeediyay Waxbarashada Puntland

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur-galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo ku hadlayay afka wasiirrada waxbarashada ee maamul-goboleedyada ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay waxbarashada Puntland oo uu ku tilmaamay mid Soomaaliya inteeda kale tusaale wanaagsan u noqon karta.

Wasiirka oo ka mid ah wafti wasiirro ah oo maamul-goboleedyada iyo agaasinka wasaaradda waxbarashada XF Soomaaliya ka koobnaa, ayaa sheegay in lama filaan ay ku arkeen horumarka waxbarashada ee Puntland ka jira:

“Maanta shirkan waxbarashada oo sanadkii 4aad halkaan ka socdaa waxa uu tasaale weyn u yahay meesha laga gaaray waxbarashada, waxaan halkaan ku aragna ma’ahayn waxaan ku fakareyn ama aan is lahayn qeyb Soomaaliya ka tirsan ayaa halkaan ka gaartay heerka waxbarasho, waxaan aragnay in meeshii bulshada ugu wanaagsaneyd oo ay kasoo kici lahayd amase kasoo kaban lahayd laga taageero waxbarashadu tahay.”

Waxa uu tilmaamay in hay’adaha Soomaaliya taageeraa ay inta kale cunno siiyaan laakiin ay Puntland waxbarashada ka taageeraan:

“Qolooyinkan Soomaaliya taageera gobolladeenna inta badan waxay sii yaan raashin, laakiin halkan waxay ka taageeraan waxbarashada, taasina waxay u tahay tusaale lagu dayan karo Soomaaliya guud ahaan, waxbarashada iyo heerka la gaaray iyo siyaasadaha waxaan dhamman u wada jeednaa.”

Waxaa Puntland lagu soo gabagabeeyay shirweynihii 4aad ee dib u eegista waxbarashada ee lagu qiimeynayay waxbarashada maamulkaas ee sanadkii tagay 2017, iyadoo gabagabadii xafladda shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay shakhsiyaad iyo hay’ado kaalin muhiimka ah ka ciyaaray horumarinta waxbarashada maamulkaasi.

Maandeeq FM

Related Articles

Close