arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dhaxalkii Culayska Badnaa.. Shaqaale Banki oo Muddo 6 Bilood ah Gacantiisa Ku Tirinayay Lacag 1.2 Milyan oo Shilin ah

Shaqaale ka howlgala Banki dhexe Jarmalka ayaa tirinta 2.5 tan oo shilin ah ay ku qaadatay muddo Lix bilood ah kadib markii laga fursan waayay in lacagta gacan lagu tiriyo.

Lacagtan ayaa nin taxsiile ah uu muddo 30 sano ah uruurinayay, si isaga iyo caruurtiisu ay hadhow u dheefsadaan, waxay ahayd lacag macdan ah oo noocii uu Jarmalku Euro-ga uga guurey ah, laakiin illaa iyo  hadda Bankiga dhexe ee Jarmalku wuu bedelo.

Sida lagu soo daabacay website-ka Ndr.de ee dalka Jarmalka, ninkii taxsiilaha ahaa markii uu geeriyooday ayaa lacagtii waxaa la wareegay dadkiisii oo Bankiga dhexe ee Jarmalka geeyay si loogu bedelo. Waxaase  suurtogali wayday in hab mishiin ah lagu tiriyo maadaama ay lacagta mid mirirtay ay u badneyd, sidaa darteedna lagu khasbanaaday in hab gacan ah lagu tiriyo.

Qof ka mid ah shaqaalaha Bankiga oo lagu magacaabo Wolfgang Kemereit ayaa lacagtii muddo 6 bilood ah gacantiisa ku tirinayay, isagoo shaqooyin kalena gacanta ku ahayay oo aan kaligeed u go’neyn, waxayna noqotay 1.2 milyan oo Coins ah.

Wolfgang oo ka hadlayay lacagta ayaa waxa uu yiri: “Shilin kasta gacantayda ayaan ku tiriyay, lacagtaa aadka u tiro badan, shaqadan oo kale caadi ahaan aadbaan uga helaa, sidaa darteed wax mushkilad ah uma arkin aniga dhankeyga.”

Dadkii dhaxalka iska lahaa ayaa lacagtii ay u noqotay 8 kun oo Euro maadama qiimaheedu uu aad u hooseeyay markii horeba oo kumi iyo taano la aruuriyay ay ahayd.

Maandeeq FM

Related Articles

Close