WararkaWaxbarashada

Haweeney Dhashay Toban Cisho Kadib Geerideeda!

Haweenay uur lahayd oo Sagaalkeedii bilood go’ay ayaa dhashay 10 maalmood kadib dhimashadeeda gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana si lama filaan ah loo ogaaday xilligii lagu guda jira qabanqaabada aaska.

Shaqaalihii maydka ayaa sanduuqii Nomasonto Mdoyi  maydkeedu ku jiray ayay  ka dhex heleen ilma-yar oo ay dhashay, iyadoo dhacdadan layaabka leh ay ka dhacday gobolka Mthayisi ee Koonfur Afrika.

Lindokuhle Funeral oo ah milkiilaha  xarun dadka lagu aaso oo muddo dheer shaqadaa ka shaqeynayay ayaa yiri “Aadbaan ula yaabnay, canuga yar wiil iyo gabar waxa uu yahay xitaa ma aanan eegin, waxaan shaqadan ku dhex jiray 20 sano, waligeyna ma maqalin haweenay mayd ah ay wax dhashay.”

Hooyada iyo ilmaha yar oo mayd ahaa ay si wada jir ah loo aasay.

Hooyada haweenayda geeriyootay oo la yiraahdo Mandzala Mdoyi ayaa  sheegtay iney gabadheedu si lama filaan u geeriyootay kadib markii ay neeftu ku xirantay, “Aadbaan ugu dhibaatooday geerida gabadhayda, waxaanan aad uga sii naxay inaan maqlo iney geeridii ku dhashay 10 maalmood kadib.”

Dhakhaatiirta ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney suurtogal tahay in canuga waxa riximka ka soo riixay uu yahay neefta iyo kala daadsanaanta xubnaha ee xilliga geerida hooyada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close