WararkaWaxbarashada

Arday Labisan Jaakado Ay Ciidi ka Buuxdo Gudaha Iskuulaadka Jarmalka.. Faa’iido Noocee ah Ayay Leeyihiin?

Iskuulaadka Jarmalka ayaa si isasoo taraysa ardayda dhibka badan loogu xirayaa jaakado culus oo ciidi ka buuxdo, iyadoo ay jirto in arrintaasi ay dhakhaatiirta cilmi-nafsiga iyo waalidiinta qaar ay walwalgelisay.

Jaakadahan ayaa culeyskoodu gaarayaa inta u dhaxaysa 1.2KG – 6 KG, waxaana arrintani ka dhaqan gashay illaa 200 oo iskuul oo daafaha kala duwan ee Jarmalka ka dhisan.

Dadka taageersan in dharkan oo qiimo ahaan ku kacaya $171 – $208, ayaa sheegaya iney arkeen isbedel  wanaagsan oo habdhaqanka caruurtooda la xiriirta, iyagoo sheegaya in dharkan culusi uu ardayda ka yareeyo qalqaalinimada.

Sida ay qortay jariidada The Guardian,  Gerhild de Wall oo madax ka ah qeybta isdhex galka waxbarashada ee iskuulka Grumbrechstrasse ee deegaanka Harburg ee ka tirsan Hamburg oo ka mid ahaa iskuulaadkii ugu horreeyay ee habkan cusub ee jaakeedka qaatay ayaa tiri: “Caruurtu iyagaa jecel iney jaakadahan xirtaan, canugna laguma khasbo wax doonistiisa kasoo horjeeda.”

Mid ka mid ah waalidiinta oo habdhaqankan aad uga careysan ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: “Waxaa habboon inaan ka fogaanno hababka ciqaabta ee noocan oo kale ah, sideed ilmayar ugu sheegi kartaa inuu xanuusan yahay, ciqaabna aad uga dhigaysaa inuu xirto dharkan ay ciiddu ka buuxdo, canuga yar waxa uu noqonayaa mid lagu shactareysto, waxaan aaminsanahay in dadka qaar ay damiir la’aan yihiin.”

Michael Schulte-Markwort oo ah maamulaha xanun caafimaad oo ku taalla waqooy galbeed magaalada Hamburg ayaa tiri: “Dharkan shaki badan ayaa ku jira akhlaaq ahaan, waxaana si sahlan loogu qaadan karaa in la leeyahay xal kaliya ayaa loo hayaan qalqaalinimada ubadka.”

Si kastaba, caruur farabadan ayaa sanad kasta laga daweeyaa qalqaalinimada “hyperactivity”, iyadoo iskuulaadka jaakadahan adeegsanayaa ay go’aankooda ku difaacayaan inuu yahay hab aan dhibaato badneyn oo lagu waajihi karo habdhaqanka ardayga iyadoo aan wax daawooyin ah la siin caruurta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close