arrimaha bulshadaDugsiyadaWararkaWaxbarashada

Oxfam: 1% Dadka Ugu Taajirsan Adduunka oo Gacantooda Ay Ku Jirto 82% Hantida Adduunka

Hay’adda Oxfam ee dalka UK ayaa sheegtay in uu aad u sii ballaartay farqiga u dhaxeeya dadka hodonka ah iyo kuwa Saboolka ah.

Oxfam waxay tiri: “82% hantida adduunka ee sanadkii lasoo dhaafay la helay waxay gacantooda gashay dadka adduunka ugu taajirsan oo tiradoodu tahay 1% , halka kala bar dadka fuqarada ah aaney waxba u kordhin.”

Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in tiradaani ay keeneyso guul darro ku timaadda nidaamka dhaqaalaha adduunka.

Hay’adda Oxfam ayaa shantii sano ee la soo dhaafay soo saartay warbixinno middan la mid ah waxay qirtay sanadkii 2017, in 8 qof ee ugu hodonsan dunida ay heystaan dhaqaale la mid ah kan dadka saboolka ah ee dunida ku nool ay haystaan.

Balse sanadkani waxay hoosta ay ka xariiqday Oxfam in hantida ay heystaan 42 qof ee dunida ugu hodonsan ay heystaan kala dhaqaalaha ay heystaan dadka saboolka ah.

Mark Goldring oo ah madaxa fulinta Oxfam ayaa sheegay in heerka sinaan la’aanta intaani le’eg ay tahay mid aan la aqbali karin.

Warbixinta ay soo saartay Oxfam ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli beri uu ka furmayo magaalada  Davos ee dalka Switzerland shirka madasha dhaqaalaha aduunka.

Shirkani oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa ka soo qeybgalaya mas’uuliyiin waa weyn iyo ganacsata dunida ugu caansan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close