WararkaWaxbarashada

Waa Kuwan Su’aalihii La Waydiiyay Trump Si Caafimaad Qabka Gaaraadkiisa Loo Kasbeeyo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la marsiiyay Imtixaanka garaadka ee MoCA ee loo yaqaannoo “Qiimeynta Montreal ee Garaadka”, oo dhakhaatiirtu ku baaraan xaaladaha garaadka qofka.

Qiimeynta ayaa ka koobned imtixaan lagu eegayo, garashada, xasuusta, luqadda, waxaana mudadiisu tahay 10 daqiiqo oo qura, Trump ayaa Imtixaanka ka helay darajadii loo baahnaa, sida dhakhtarka Aqalka Cad uu sheegay.

Jariidada “Metro” ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigtay su’aalaha la waydiiyay Tramp ee garaadkiisa lagu hubinayay:

Kala horreynta tirooyinka iyo xuruufta

Imtixaankan qofku waxa uu sameynaya inuu is raaciyo xuruufta iyo tirooyinka is raaci kara hab logic ah, tusaale ahaan; waxa uu istaacinayaa tirda 1 iyo xarafka A, 2 iyo B, 3 iyo C…

-Sawirka Saddex xagal

imtixaankan waxa uu qofka la siinayaan sawirka saddex xagal ah iyadoo laga dalbanayo inuu sawir la mid ah uu sawiro, waxaana la eegayaa inuu xagal ka tago ama shay aan la garaneyn uu sawiro.

-Sawirka saacadda

Imtixaankan qofku waxa uu sawirayaa saacad xilli gaar ah tilmaameysa, waxaana laga rabaa inuu si wanaagsan u sawiro, si uu darajadii loo baahaan u helo.

-Magacyada Xaywaanka:

imtixaankan waxaa la sawirayaa xayawaanno la doonayo inuu qofku magacyadooda sheego.

– Xasuusta:

Dhakhtarka ayaa waxa uu akhrinayaa liis ay ku qoran yihiin 5 kalmadood, wakhti yar ayuu hakanayaa, kadibna liis kale  oo kalmado kale ah ayuu akhrinayaa, qofka waxaa laga rabaa dhammaan kalmadihii oo dhan inuu xasuusto, haddii uu rabo ha kala hormariyo laakiin waxaa waajib ah inuu wada xasuusto.

-Imtixaanka Concentration-ka:

Dhakhtarku waxa uu akhrinayaa 5 tiro markaa qofka waxaa laga rabaa inuu si dagdag ah uga jawaabo, intaa kadib ayaa dhakhtarku tiro akhrinayaa, waxana qofka laga rabaa inuu si cagsi ah u akhriyo tiradaa, tusaale ahaan (1-2-3), waxaa laga rabaa inuu yiraahdo (3-2-1), imtixaanka ayaa lagu soo celinayaa laakiin mar kale waxaa la isticmaalayaa xuruuf oo lagu bedelayo tirada.

-Ku Celin

Dhakhtarka ayaa akhrinaya jumlado qofka waxaa looga baahan yahay inuu sideeda ugu soo celiyo.

Imtixaanka muga erayada qofka

Imtixaankan dhakhtarku waxa uu sheegayaa xaraf go’an, qofka waxaa laga doonayaa inuu sheego toban eray oo xarafkaa ka bilaabaneysa iyadoo aan la ogoleyn magacyada dadka iyo goobaha.

Imtixaanka Laranka

Imtixaankan ayaa dhakhtarku waxa uu isku lamaaneynayaa tiro erayo ah waxaana qofka laga rabaa inuu isku keeno kuwa xiriirka gaarka ah leh tusale ahaan; inuu baaskiilka iyo tareenka kulmiyo maadaama ay gaadiid wadaagn, bisadda iyo libaaxa uu kulmiyo maadaama ay wadaagaan xaywaanka aan caqliga lahayn.

Taariikhda iyo Goobta

Qofka waxaa laga rabaa inuu sheegto taariikhda maalinta iyo magaalada iyo goobta uu joogo isagoon wax fakar ah oo farabadan aan gelin, waxa uu haystaa muddo ilbiriqsiyo ah.

Sida ay qortay jariidada “Asharq Al-Awsat“, dhakhaatiirta ayaa xadida kolba darajada ay qofka siinayaan su’aal kasta, marka uu qofku helo 26 darajo, waa mid caddeyn u ah in garaadka qofku uu caafimaad qabo, halka qofkii darajadaa ka hoos mara ay xaaladdiisu walwal ku abuurayso dhakhtarka oo isla markiiba ka howlgalaya sidii qofkaasi dawadii ku habbooneyd ku heli lahaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close