DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Afrikaanku Maxay Dadka Caddaanka ah Ugu Yeeraan MZUNGU?

In ka badan 15 wadan oo Afrikaan ah dadka cadaanka reer Yurub kasoo jeeda waxaa loogu yeeraa MZUNGU. in kasta oo Afrikaanku ay siyaabo kala duwan ugu dhawaaqaan eraygan sida mzungu, nzungu, mlungu, mrungu iyo kuwo la mid ah laakin eraygu asal ahaan waa isku mid.

Eraygaas ayaa la sheegay in macnihiisu yahay qof wareersan ama macno darro meelaha iska wareegaya. sababta dadka cadaanka ah magacaas loogu yeero ayaa la sheegay in ay la xariirto taariikh hore taas oo ah:

Gumeystaha reer galbeedku inta uusan qabsan Qaarada Afrika waxa ay soo dirsan jireen dad usoo sahmiya dhulka ay qabsan rabaan iyo dadkiisa. ragaas sahanka ah ee caddaanka ah waxa ay hadba dhinac u mari jireen dadka Afrikaanka ah ee beeraaleyda ah ama xoolo dhaqatada ah.

Runtii dadkaas afrikaanka ah waxa ay la yaabeen dadkaan cadcad ee maalinba jiha u socda ee meel ay degan yihiin aan la garaneyn,  sidaa darteed;  waxa ay u bixiyeen magaca MZUNGU oo macneheedu yahay qof wareersan ama macno darro isaga wareegeysanaya. laba kala barisay kala war la’e ragga ay u moodaan in ay wareersanyihiin waa rag doonaya in ay Afrika oo dhan qabsadaan, dadka ku noolna ay ka dhigaan kuwo ay iibsadaan, kuwo ay yurub uga shaqeystaan iyo kuwo ay beerihii ay ayagu afrika ku lahaayeen uga shaqeystaa ayada oo waxa ay soo saaraanna aysan xataa ujro shaqo ku leheyn.

Maanta ugu yaraan 15 waddan oo Afrikaan ah dadka caddaanka Yurubiyaanka ah waxaa loogu yeeraa mzungu. wadamadaas waxaa ka mid ah:

Tanzania, Uganda, Kenya, Malawi, Zambia, Mozambique, Zimbabwe, south africa, Burundi, Rwanda iyo qaar kale. laakin muddooyinkii  ugu

dambeyn dadkii gumeysigii wey la qabsadeen. wadamadaas qaarkoodna eraygii macnihiisu wuu isbedeley oo maanta qofkii loogu yeero mzungu

waxaa ay la mid tahay qof loogu yerey (boss ama badrooni ama qof lacag heysta).

hadaba su’aashu waxa ay tahay ma Afrikaanka ayaa wareersan mase cadaanka ay ugu yeeri jireen mzungu?

W/Q: Cabdulwali Waayeel

Maandeeq FM

Related Articles

Close