WararkaWaxbarashada

Erayga Ugu Badan ee Ay Ku Hadaaqaan Dadka Hurdada Iskula Sheekaysta

Isla hadalka xilliga hurdada waa habdhaqan aan wanaagsaneyn dhibaatana ku ah hurdada, qofku waxa uu hadlayaa isagoon is ogeyn oo waxa uu sheegayo aan ka warhayn iyadoo dadka qaarna ay sirahooda xilligaas soo bandhigaan.

Waxaa dhici karta in qofku uu hadlo dhowr jeer xilliga hurdada, caadi ahaanna dadka hadallaadaasi ay dhagahooda ku dhacayaan aaney awoodi karin iney fahmaan waxa uu sheegayo.

Arrintan ayaa si aad ah ugu badan caruurta gaar ahaan kuwa labka ah. Daraasad arrintan laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in 66% dadka ay isla sheekaysteen xilliga hurdada waqti noloshooda ka mid ah, halka hurdo ku hadalku “somniloquy” uu saameyo 5% dadka qaangaarka ah.

Daraasad dhawaan soo baxday oo ay sameysay Dr. Isabelle Arnulf  ayaa sheegaysa in hurdada oo lagu hadlaa ay ka mid tahay mushkiladaha nafsiyan qofka soo waajaha, waxayna tooshka ku ifisay nooca erayada ay adeegsadaan dadka hurdada ku hadlaa waxa uu yahay, iyadoo natiijo ka gartay daraasad ay ka qeybgaleen 232 qof oo qaangaar ah oo iskugu jira kuwo caafimaad qaba iyo qaar kale oo dhibaatooyin dhanka hurdada ah ay soo waajahdo.

Daraasaddan ayaa waxaa kasoo baxay inta badan dadka xilliga hurdada isla hadlaa erayda ay ku hadlaan aaney wanaagsaneyn, dadka qaarna ay cay iyo aflagaado dadkale u jeedinayaan.

Natiijadii kasoo baxdayna waxay noqotay in 40% erayada ay dadku ku hadlaan uu yahay kuwo aan wanaagsaneyn, erayga ugu daban ee ay adeegsadaan uu yahay “Maya” ee diidmada ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close