WararkaWaxbarashada

“Hangaraaracu” Waxa Uu Leeyahay Sun 30 ilbiriqsi Wax Ku Disha

Saynisyahanno cilmibaaris ku sameeyay ayaa ogaaday in farabadnuhu (Hangaraarac) leeyahay nooc cusub oo sun ah oo awoodeedu si dhakhsiyo ah wax u dili karto.

Jariidada Newsweek ee Mareykanka ka soo baxda ayaa Isniintii qortay in farabadne suntiisu jiir ku dilashay muddo 30 ilbiriqsi ah, iyadoo  jiirku 15 jibaar ka waynaa xajmiga cayayaankan xamaaratada ah.

Saynisyahanadan ayaa sheegay in suntan ay wakhti aad u yar ku burburineyso shaqooyinka kala duwan ee xubnaha jirka. Waxayna u buxiyeen suntan cusub “Ssm Spooky toxin“, waxay tilmaameen inaaney la mid ahayn suntii horey loo yaqaannay.

Waxay ka digeen in qofka uu farabadnuhu qaniino u keeni karo dhibaatooyin khatar ah oo loo geeriyoon karo.

Saynisyahanada waxaa u suurtogashay iney soosaaraan daawo lagula dagaalami karo suntan farabadnaha ku nool China iyo Jasiiradda Hawaii ee Mareykanka.

Daraasaddan ayaa waxaa faafiyay wargeys ka mid ah Akademiyada Qaranka ee Sayniska dalka Mareykanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close