WararkaWaxbarashada

Madaxweyne “Farmaajo” oo Ka Hadlay Sababta Ay Faracyada Jaamacadda Ummadda Uga Hirgelinayaan Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku maraya gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa ka hadlay sababta ay uga hirgelinayaan faracyada Jaamacadda Ummadda ay ku yeelanayso Galmudug.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay dhagax dhigga faraca jaamacadda ee Caabud-waaq ayaa sheegay in sababta ay faracyada jaamacadda uga hirgelinayaan Galmudug ay tahay in nabadda lagu xoojiyo:

“Maanta waxaan halka ka hirgelinnay faraca Jaamacadda Umadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug. waxaan jecelnahay in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in qabiil qarnigan aan joogno aanuu waxba ka ahayn, waxaanuu dhalinyarada ugu baaqay iney mustaqbalkooda ilaashadaan:

“Qarniga aan ku jirno ma ahan mid qabiil, ogsoonaada qof qabyaalad ku dhaqmaya ma ahan qof ilbaxnimo leh. Dhallinyaroow waxa jidka saaran waa mustaqbalkiinna. Idinka ayaa la rabaa hadii aad aragtaan magaalo u kala xiran hab qabyaaladeysan in aad diidaan.”

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo oo Socdaal ku maraya gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa dhagax dhigay faracyo ay jaamacadda ummadda ku yeelanayso Galkacyo, Cadaado, Dhuusa-mareeb iyo Caabud-waaq.

Maandeeq FM

Related Articles

Close