WararkaWaxbarashada

Muxuu Howlgabku Ku Sameeyaa Maskaxda Aadanaha?

Shaqaale badan ayaa waxay sugaan xilliga ay howlgabka noqonayaan oo ay shaqada ka fariisanayaan, kadib marka ay sannooyin badan dadaal iyo juhdi farabadan bixiyaan, daraasad dhawaan soo baxday ayaa tilmaameysa in go’aanka howlgabnimada ee shaqada lagaga fariisanayo ay habboon tahay iney dadku dib u eegaan.

Sida lagu soo daabcay wargeyska Telegraph, daraasad ay sameeyeen cilmibaarayaal UK u dhashay ayaa lagu ogaaday in awoodaha maskaxda ee gudashada shqooyinka uu si dhakhsiyo ah hoos ugu dhaco, marka ay dadku howlgab noqdaan oo ay shaqada ka fariistaan.

Cilmibaarayaasha ayaa tilmaamay iney la socdeen xaaladaha 3400 qof oo howlgab ah oo shaqaalaha rayidka ah ee UK ka tirsanaa, waxayna arkeen in xasuusta ay hoos u dhacayso 40%, waa marka ay shaqaaluhu noqdaan kuwo howlgab ah.

Cilmibaarayaasha ayaa xusaya in dadka soo qabtay shaqooyinka sare ee u baahan howl maskaxeedka xooggan uu hoos u dhacdo awoodaha garaadkooda marka ay howlgabka noqdaan.

Professor Carry Cooper oo ah cilmibaare ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa sheegay in daraasadani ay adkaynayso kuwo ka horreeyay oo lagu sheegay in ‘Haddii aadanuhu uu adeegsan waayo xubin jirkiisa ka mid ah ay howlgab noqoneyso’.

Waxa uu intaa ku daray in howlgabnimada ay soo dedejiso in qofka uu ku dhaco cudurka Dementia ee xasuusta lumiya, waxaanuu sheegay markasta oo qofku shaqo maskaxda ah uu qabto iney yaraato in cudurada ku dhacaa.

Laakiin waxaa is weydiin leh illaa goorma ayuu qofku shaqeyn karaan?

Cooper ayaa su’aashaa kaga jawaabay, haddii qofka howlgabka ah uu ka shaqeyn jiray waxbarashada iyo caafimaadka waxaa u suurtogaleysa inuu shaqooyin mutadawacnimo ah uu qabto, markaa qofku bulshadiinna wuu u faa’ideynayaa naftiisana wuu daryeelayaa.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close