WararkaWaxbarashada

Waa Cusub oo u Baryay.. Dadka Giriirgga oo Si Iskood ah Iskaga Joojinaya Sigaar Cabsita

Dalka Greece-ga ayaa dowladaha kale ee adduunka kaga dheereeyay dhanka la dagaalanka sigaar cabista oo record wanaagsan dadka dalkaasi ay ka sameeyeen, waxay qabteen howl uu ku guuldarreystay ol’ole kasta oo sigaarka cabista lagula dagaalamo adduunka.

Warbixin ay qortay jariidada The Guardian ayaa lagu sheegay Greece oo ay  haysto dhibaato dhaqaale oo aad u daran ay hadana dadka dalkaasi sameeyay qiso ifaysa oo tursaale fiican ah u noqon karta dadyowga kale ee dunida.

Madaxa ciribtirka sigaar cabista Yurub Panagiotis Behrakis ayaa yiri: “Waxaan hubaa 100% inaan mushkiladdii xalkeedii la helay, waxa hadda aan sugnaa waa xilli un.”

Behakis oo ah khabiir cudurrada habdhiska neef mareenka ah isla markaana ka qeyb ahaa dadaallo caalami ah oo lagula dagaalaamayo nicotine, waxna kasoo dhigay jaamacadda Harvard, ayaa tilmaamay in dalka Greece aad loogu dhaw yahay in dadka dalkaasi ku guulaystaan in gabi ahaanba ay iska joojiyaan sigaarka, waxa la suganaa uu wakhti kooban yahay.

Behrakis ayaa ku dhawaaqay bishan hadda socota ee Janaayo in dadka sigaarka cabaa ay hoos u dhacaneen 9.6% mudadii shantii sanno ee lasoo dhaafay dalka Greece-ga.

Tirakoobyo soo baxay sanadkii 2012 ayaa lagu ogaaday in dadka Greece ku dhaqan 36.7% ay yihiin dad sigaarka si joogto ah u caba ama si goos goos ah u isticmaala, sanadka 2017 heerka sigaar cabista Greece waxa gaary 27.1%, waxaana halkaa ka muuqda hoos u dhac aad u baaxad weyn.

“Arrintan ayaa ka dhigan in sanad kasta 2% ay hoos u sii dhacaysay dadka sigaarka cabaa, waana tiro aad u sarreysa, waxaana isbedelka laga dareemayaa dhammaan da’aadda kala duwan, dadkii sigaarka way iska joojiyeen, halka da’yar aaneyba bilaabayn sigaarka cabista.”

Isticmaalka sigaarka waxa uu hoos u dhacay laga dareemayaa 10 sanno ee lasoo dhaafay , sanadkii 2007 tirada sigaarka la isticmaalay waxa uu gaaray illaa  35.1bilyan oo xabo, halka 2016 uu gaaray 17.9 bilyan.

Si kasta, Sababta ugu badan ee ay dadku sigaarka u joojinayaan ayaa ah dhibaatada caafimaadka ee uu leeyahay iyo cimri-degdegga uu u horseedo qofka isticmaala.

Maandeeq FM

Related Articles

Close