TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

3-dan Adeeg ee Muhiimka ah ee Barta “Youtub” Weli Ma Tijaabisay?

Marka aad dooneyno inaad muuqaal daawato, waxaad isla markiiba abaareysaa Youtube oo ah barta ugu caansan ee muqaallada dunida, bartan ayaa leh adeegyo farabadan oo dadka qaar ka qarsoon, hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa saddex adeeg oo dadbadani aaney garaneyn oo barta laga heli karo.

1 .Muuqaalka oo aad u bedeli karto sawir nooca GIF ah

Haddii muuqaal aad daawaneyso qeyb yar ay kaa cajabiso isla markaana aad damacdo inaad ka dhigato sawir dhaqdhaqaaqaya oo nooca Gif ah, waxaad erayga gif raacineysaa Youtube oo waxa isku noqonayaa gifyoutube.com, waxaa markaa kuu furmaya bage cusub.

Bageka kuu furma waxaa uu kuu suurtogalinayaan in qeybta aad muuqaalka ka dooneyso sawir ka dhigato qoraalkii aad dooneysana aad ku dhex qorato, shardiga kaliya ee ku horyaallaa waa inaan 15 ilbiriqsi wakhtigu ka badan.

2 .Xakameynta xawaaraha muuqaalka

Haddii aad jeclaysato inaad muuqaalka xawaarihiisa iska yareyso ama aad kordhiso, waxaad aadaysa settings, markaa waxaad ka dooneysaa speed oo sidii aad dooneyso xawaaraha uga xakameysan karto.

3 .Qeyb ka mid ah muuqaalka inaad la wadaago asxaabtaada

Haddii aad dooneyso in qeyb ka mid ah muuqaal la wadaagto daawato asxaataada, waxaad raacisaa #t dhamaadka linkiga muuqaalka, adigoo sii raacinaya daqiiqadda iyo ilbiriqsiga, kadib cid kasta oo aad doonto baraha bulshada ee kala duwan kula wadaag.

Maandeeq FM

Related Articles

Close