WararkaWaxbarashada

Ma Rumeysan Kartid.. Lacago Intee Le’eg Ayaa Hackers Ka Dhaceen Dadka Internet-ka Adeegsada 2017?

Jariidada Guardian ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa daaha ka rogtay in Hackers dadka internet-ka adeegsada ay ka dhaceen 130 bilyan oo Gini Britain  ah sanadkii tagay ee 2017.

Lacagta la dhacay waxaa ka mid ahaa 4.6 bilan oo giniga British-ka ah oo laga dhacay gudaha dalka Ingiriiska oo kaliya, waana sida laga soo xiganayo shirkadda Ammaanka internetka Norton, waxay shirkaddu tiri; waxaa la dhacay 17 milyan oo qof oo Uk u dhashay oo dambiyo electronic ah lagula kacay sanadkii lasoo dhaafay.

Khasaaruhu mid maaliyadeed oo qura kuma koobnayn ee qof kasta oo weerarka Hackers-ku haleelay tirtiradda raadkiisa waxay ku qadatay ugu yaraan Labo cisho.

Weeraradii ugu badnaa waxay ahaayeen kuwo dadka lagu dhacay xeelado horey ay dadku usii yaqaaneen, sida; in qofka la waydiiyo inuu macluumaadkiisa gaarka ah bixiyo iyadoo e-maillo aan jirin loo adeegsano iyo ayadoo loo soo bandhigayo badeecyooin aan jirin oo wax lagaga iibsanayo.

Shirkadda Norton ee ammaanka internetka ayaa ka digasa iney dadku is dhigtaan, waxay ku talineysaa iney dadku sirahooda xafitaan, hal password-na aaney u adeegsan xisaabaad kala duwan, tiro ka mid ah dadkii internetka lagu dhacay waxay aaminsanaayeen in la dhacayo, hadana sidii la rabay ugama aaney gaashaaman.

Maandeeq FM

Related Articles

Close