WararkaWaxbarashada

Naas-nuug Argagax Geliyay Dhakhaatiir Waxay Ku Arkeen Gudaha Jirkiisa Darteed

Koox dhakhaatiir ah oo u dhashay dalka Uzbekistan ayaa aad uga argagaxay waxa ay ku arkeen guda jirka ilmayar oo naasnuug ah, waxay jirkiisa ka heleen 16 irbadood oo nooca dharka lagu tolo ah.

Jariidada Mirror ayaa qortay in raajada la saaray ilman yar oo 11 bilood jir ah ay soo saartay in irbado kaga mudan yihiin wadnaha, qoorta, lafdhabarta iyo kaadi haysta.

Hooyada canugan yar dhashay ayaa dhakhtarka ula carartay kadib markii ay ku aragtay xumad badan iyo kaadiga oo ku adag.

Dhakhaatiirta ayaa ilmahan yar ku sameeyay qalliin degdeg ah oo qaatay 9saacadood, waxaana la sheegin sababta irbadaha jirka ilmaha yar loogu miday, laakiin dhakhaatiirtu waxay tilmaameen inuu jir qof si ula kac ah arrintaa u sameeyay.

Waxaa xusid mudan, in boolisku uu arrintaa baaritaan ka furay, waxay ogaadeen in hooyada wiilkan yar dhashay ay ku nooshay guriga hooyadeed, ninkeeda oo safar badan awgeed.

Maandeeq FM

Related Articles

Close